Sawirro:Xoogaga IS oo Dhuullatus Ciidan Kusoo Badhigtay Magaalada Sirta iyo Q.Midoobe oo Diiday Faragelin Melleteri oo Liibiya Lagu Sameeyo.

Thursday February 19, 2015 - 19:40:29 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 3.1/5 Stars) Total Votes: 38
  • 4 2
  • Share via Social Media

    Sawirro:Xoogaga IS oo Dhuullatus Ciidan Kusoo Badhigtay Magaalada Sirta iyo Q.Midoobe oo Diiday Faragelin Melleteri oo Liibiya Lagu Sameeyo.

    Xukuumadda Dabadhilifka Masar ayaa ku dhawaaqday in ay ka laabatay qaraar ay hor dhigtay Q.Midoobe oo dalbanayay in faragelin melleteri lagu sameeyo dalka Liibiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumadda Dabadhilifka Masar ayaa ku dhawaaqday in ay ka laabatay qaraar ay hor dhigtay Q.Midoobe oo dalbanayay in faragelin melleteri lagu sameeyo dalka Liibiya.

Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibadda Masar ayaa sheegay in dalabkii ay Golaha ammaanka hor dhigeen ay ka laabteen ayna ka qeyb qaadanayaan xal siyaasadeed oo arrimaha Liibiya lagu xalliyo.

Bayaan wadajir ah oo kasoo baxay Ururka Midowga Yurub iyo Mareykanka ayaa lagu sheegay in aysan xilligan suurtagal aheyn duullaan melleteri oo Liibiya lagu qaado balse la taageeri doono dhinacyada isku haya siyaasadda sida dagaal ooge Khaliifa Xiftar iyo baarlamaanka fadhigiisu yahay magaalada Dabaraq.


Ciidanka cirka Masar ayaa duqeymo Dhanka cirka ah ku qaaday magaalooyin dhaca Bariga Liibiya maalmo kadib markii dowladda Islaamiga ah ay gowracday 21 katirsan dadka Qibdiyiinta Nasaarada Masar.

Dhinaca kale ciidamada dowladda Islaamiga ah qeybta Liibiya ayaa dhoollatus melleteri kusoo bandhigay magaalada Sirta ee bartamaha wadankaasi.
Tobaneeyo katirsan gaadiidka dagaalka oo ay saaranyihiin ciidamo mujaahidiin ah ayaa socdaal kusoo maray magaalada.

 
 
 
 
 
 
 
 
 

 



Related Items