Sawirro:Mas'uuliyiin Katirsanaa DF-ka iyo Saraakiil Lagu Dilay Weerarkii Hotel Central Ee Muqdisho.

Friday February 20, 2015 - 19:46:52 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 3.1/5 Stars) Total Votes: 36
  • 3 1
  • Share via Social Media

    Sawirro:Mas'uuliyiin Katirsanaa DF-ka iyo Saraakiil Lagu Dilay Weerarkii Hotel Central Ee Muqdisho.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar xooggan oo ciidamo katirsan xarakada Al Shabaab ka fuliyeen hoteel kaabiga ku haya madaxtooyada Villa Somalia ee magaalada halkaasi oo ay ku sugnaayeen mas'uuliyiin katirsan DF-ka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar xooggan oo ciidamo katirsan xarakada Al Shabaab ka fuliyeen hoteel kaabiga ku haya madaxtooyada Villa Somalia ee magaalada halkaasi oo ay ku sugnaayeen mas'uuliyiin katirsan DF-ka.



Ugu yaraan 35 qof oo isugu jira saraakiil ciidan xildhibaano ,siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin katirsan maamulka gobolka Banaadir ayaa ku dhaawacmay weerarka Hotel Central.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in laba qarax ay ka dhaceen gudaha Hoteelka waxaana khasaaraha ugu badan dhaliyay gaari walxaha qarxa lagasoo buuxiyay oo ku qarxay gudaha Hoteelka.

Max’med Cabdi Xayir Maareeye wasiirka Warfaafinta DF-ka oo shir Jaraa’id qabtay ayaa qiray in dhimasho iyo dhaawac badan uu dhankooda kasoo gaaray weerarka.



Khasaaraha ka dhashay weerarka ayaa aad ubadan dowladda Federaalka ayaa isku dayaysa in ay qariso khasaaraha lixaadka leh ee ka dhashay weerarkii maanta.

Goobta weerarku ka dhacay ayaa xasaasiyad gaar ah leh waxaana ammaankeeda ilaaliya kumanaan katirsan ciidamada shisheeye iyo kuwa DF-ka.

Sh.C/Caziiz Abuu Muscab Afhayeenka ciidanka shabaabul Mujaahidiin oo wakaaladaha wararka lahadlay ayaa sheegay in weerarka ay ku qaadeen Hoteelka uu ahaa mid ay ka gaareen hadafkii laga lahaa oo ahaa in lagu laayo Madaxa "Murtadiinta" sida uu hadalka u dhigay.

Tirada dhimashada ah ee uu xaqiijiyay Max’med Maareeye wasiirka Warfaafinta ayaa ah.

Maxamed Aadan Guuleed (Caanageel) guddoomiye ku xigenkii Gobolka Banaadir ee dhanka siyaasadda.

Xildhibaan Cumar Cali Nuur (Furdug ) wuxuu baarlamaanka soo galay xilligii Shariif Sheekh Axmed.

Xildhibaan Maxamud Ducaale Muse Xaaji Kafee oo lagu bedelay Cali Khaliif Galeyr

C/shakuur Mire Aadan Cobol wuxuu soo noqday wasiir ku xigeenkii wasaaradda warfaafinta maamulka Puntland hadda wuxuu ku magacaawnaa Guddoomiye ku xigeenka Xisbi lagu magacaabo Daljir oo ay ku mideysanyihiin wasiirro iyo xildhibaanno hore.

Mas’uuliyiinta iyo xildhibaanada ku dhaawacmay weerarka ee DF-ka ah xaqiijisay ayaa kala ah.

Wasiirka Dekaddaha Nuur Faarax Xersi

Xildhibaan C/qaadir Cali Cumar

Wasiir hore C/raxmaan Maxamed Bangax

Maxamuud Axmed Guddoomiyihii Degmada Balcad

Salaad Cali Jeelle wasiir ku xigeenkii hore ee gaashaandhigga xilligii C/llaahi Yuusuf.

Cali Jaamac Jangeli Wasiirka Duulista hawada




Related Items