47 Qof oo Lagu Dilay Weerar Ka Dhacay Bariga Wadanka Liibiya.

Saturday February 21, 2015 - 06:58:09 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 2.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    47 Qof oo Lagu Dilay Weerar Ka Dhacay Bariga Wadanka Liibiya.

    Wararka ka imaanaya wadanka Liibiya ayaa sheegaya in qaraxyo is xigxgigay oo lala beegsaday goob ay ku sugnaayeen dagaal oogayaasha dhibaatada ka wada wadankaasi ay ku dhinteen ku dhawaad 50 qof.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Liibiya ayaa sheegaya in qaraxyo is xigxgigay oo lala beegsaday goob ay ku sugnaayeen dagaal oogayaasha dhibaatada ka wada wadankaasi ay ku dhinteen ku dhawaad 50 qof.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in magaalada Qubbah ee dhacda bariga Liibiya ay lakulantay weerar xooggan oo ay qaadeen dagaalyahanno katirsan dowladda islaamiga ah faraceeda Liibiya.

Guddoomiyaha baarlamaanka xukuumadda dabadhilifka Liibiya garabka Khaliifa Xiftar ayaa weerarka ka badbaaday.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xiftar ayaa lagusheegay in 47 qof ay ku dhinteen weerarka badankoodna waa hoggaamiyaashii usha u hayay howlgalka loogu magac daray "Argagaxisa ladirirka Liibiya”.

Loolanka dagaal ee wadanka Liibiya ayaa sii xoogeystay iyadoona xoogaga islaamiga ah ay yihiin awood firfircoon.

Related Items