Madaxweynihii Hore Ee Yemen oo Ubaxsaday Magaalada Caden Kadib Hareerayn ay kusoo Rogeen Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta.

Saturday February 21, 2015 - 14:30:01 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynihii Hore Ee Yemen oo Ubaxsaday Magaalada Caden Kadib Hareerayn ay kusoo Rogeen Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta.

    Markii ugu horraysay madaxweynihii hore wadanka Yemen ayaa dibadda uga baxay magaalada Sacaa tan iyo markii ay maleeshiyaadka shiicada Xuuthiyiinta qabsadeen intabadan magaalooyinka Yemen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Markii ugu horraysay madaxweynihii hore wadanka Yemen ayaa dibadda uga baxay magaalada Sacaa tan iyo markii ay maleeshiyaadka shiicada Xuuthiyiinta qabsadeen intabadan magaalooyinka Yemen.
Wararka ka imaanaya magaalada Caden ee Koonfurta dalkaasi dhacda ayaa sheegaya in Cabdi Rabih Haadi Mansuur uu kasoo fakaday qasriga madaxtooyada oo muddo ku dhaw bil uu xabsi guri ku ahaa.

Maleeshiyaadka shiicada Xuuthiyiinta ayaa xaqiijiyay in Haadi Mansuur uu ka baxsaday gurigiisa balse faah faahin dheeri ah kama bixin qaabka uu Caden ku aaday.

Warar ay baahisay warbaahinta Yemen ayaa sheegaya in Cabdi Rabih uu maalmaha soo socda kulamo la qaadan doono taageerayaashiisa Koonfurta ku sugan waxaana laga yaabaa in uu iclaamiyo maamul Waqooyiga Yemen ka madax banaan.

Related Items