Daawo:Waddooyinka Muqdisho oo AMISOM u Xiran iyo Khasaaraha Ka Dhashay Weerarkii Hotel Central oo Kordhay.

Sunday February 22, 2015 - 08:22:24 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo:Waddooyinka Muqdisho oo AMISOM u Xiran iyo Khasaaraha Ka Dhashay Weerarkii Hotel Central oo Kordhay.

    Maalintii 2-aad oo xiriir ah ayay xiranyihiin intabadan waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho xilli ammaanka caasimadda uu faraha kasii baxayo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maleeshiyaadka Alpha Group oo gaadiidka dadweynaha baaraya
Maalintii 2-aad oo xiriir ah ayay xiranyihiin intabadan waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho xilli ammaanka caasimadda uu faraha kasii baxayo.
Kumanaan katirsan ciidamada shisheeyaha AMISOM iyo kuwa dowladda Federaalka ayaa lagu arkayaa isgoysyada wadada makka Al Mukarama iyagoona gaadiidka dadweynaha u diidaya in wadada ay isticmaalaan.

Boqolaal shacab ah ayaa la arkayaa iyagoo cagtooda maalaya,dhibaatada ugu daran waxay heysataa ardayda waxkabarata Jaamacadaha iyo iskuullada halka dadka usoo shaqa tegi jiray suuqyada Xamarweyne,Bakaaro iyo Suuq Bacaad ay iyana guryahooda ku xayiranyihiin.


Wadada Wadnaha ayaa iyana xiran halka  Waddooyinka Warshadaha iyo 30-ka ay si caadi ah u shaqeynayaan.

Wariyaal ayaa soo sheegaya in waddooyinka oo laxiro aysan wax weyn ka tarayn sugidda ammaanka,weerarkii dhacay maalintii jumcaha wuxuu yimid xilli ay xirnaayeen waddooyinka caasimadda.


Related Items