Wasiir Odawaa "Al Shabaab Dagaal ugama adkaan karno waana Koox Warfaafin Xooggan leh".

Wednesday February 25, 2015 - 11:06:06 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 31
  • 8 1
  • Share via Social Media

    Wasiir Odawaa "Al Shabaab Dagaal ugama adkaan karno waana Koox Warfaafin Xooggan leh".

    Xukuumadda uu madaxda ka yahay Xasan Gurguurte ayaa ku dhawaaqday in melleteri ahaan aysan uga adkaan Karin xarakada Shabaabul Mujaahidiin ee shisheeyaha soo duulayaasha Afrikaanta ah kula halgameysa Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumadda uu madaxda ka yahay Xasan Gurguurte ayaa ku dhawaaqday in melleteri ahaan aysan uga adkaan Karin xarakada Shabaabul Mujaahidiin ee shisheeyaha soo duulayaasha Afrikaanta ah kula halgameysa Soomaaliya.

C/raxmaan Max’med Xuseen Odawaa wasiirka arrimaha gudaha ayaa wareysi uu siiyay Telefeshinka Afka Carabiga ku hadla ee Al Jazeera wuxuu ku sheegay in awoodda xarakada Al Shabaab aan ladhayalsan Karin isagoona walaac ka muujiyay xaaladda ammaan ee Muqdisho.

Odawaa ayaa soo hadal qaaday warbaahinta xooggan badan ee xarakada Shabaabul Mujaahidiin uga qeyb qaadanayso dagaalkeeda jihaadka ee ka dhanka ah gumeystaha dalka kusoo duulay.


"Al Shabaab waxay si aad ah muhiimad usiisay warbaahinta waana wax ay kooxaha kale ee xagjirayaasha ah kaga duwantahay runtii Al Shabaab warbaahinta way ku firfircoontahay”ayuu yiri Odawaa.
http://wata.cc/up/2015/01/images/w-041a8edb22.jpg
Wasiirka arrimaha gudaha ayaa caalamka ugu baaqay in aysan yaraysan hanjabaadaha kasoo yeeraya Al Shabaab ee ku aaddan in ay weeraro ka geysanayaan dibadda iyo wadamada ciidankoodu kusoo duuleen Soomaaliya.

"Runtii ma ahan in aan yareysano Al Shabaab waxay gaysan karaan weeraro sidii dhawaan ka dhacday Hoteelka Central Muqdisho” Odawaa.

Mar wax laga weydiiyay sida ay uga adkaan karaan xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayuu quus ka muujiyay in Al Shabaab awood melleteri lagu muquunin karo wuxuuna doorbiday in dhanka fikirka lagula dagaalamo sida tashwiishinta jihaadka iyo adeegsiga dacaayado rakhiis ah.

"Xarakada Al Shabaab awood melleteri laguma muquunin karo waa in dhanka fikirka lagu wajaho oo afraadooda iyo saraakiishooda wadahadal lala furo siyaasadana lagusoo daro”ayuu hadalkiisa sii raaciyay C/raxmaan odawaa.

Caddeymahan uu bixiyay wasiirka arrimaha gudaha DF-ka ayaa kusoo aadaysa xilli isku dhax yaacsanaan laga dareemayo xukuumadda Cumar Cabdi Rashiid islamarkaana mujaahidiinta Soomaaliya sii xoojiyeen halganka lagu dhiig bixinayo shisheeyaha soo duulay.

Liibaan Jeexoow
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items