Warbixin:Al Shabaab oo Kusii Xoogeysanaysa Gobollada Waqooyi Bari Soomaaliya "Puntland".

Monday March 02, 2015 - 20:16:10 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 30
  • 5 0
  • Share via Social Media

    Warbixin:Al Shabaab oo Kusii Xoogeysanaysa Gobollada Waqooyi Bari Soomaaliya "Puntland".

    30-kii maalmood ee lasoo dhaafay ayay ciidamada xarakada Shabaabul Mujaahidiin weeraro kala duwan oo khasaara lagu gaarsiiyay askar iyo saraakiil katirsan maamulka "Puntland" ka fuliyeen gobollada waqooyi Bari Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shabaabul Mujaahidiin ayaa Soomaaliya kula dagaalamaysa in kabadan 100-kun oo askar Afrikaan soo duulayaal ah.
30-kii maalmood ee lasoo dhaafay ayay ciidamada xarakada Shabaabul Mujaahidiin weeraro kala duwan oo khasaara lagu gaarsiiyay askar iyo saraakiil katirsan maamulka "Puntland" ka fuliyeen gobollada waqooyi Bari Soomaaliya.
Howlgallada shabaabul Mujaahidiin ee deegaanada uu ka arrimiyo maamulka isku magacaabay Puntland ayaa kordhay 30 maalmood gudahood,weeraro dhabagal ah oo ka dhacay duleedka Boosaaso iyo weeraro toos ah oo gudaha magaalada ka dhacay ayaa lagu dilay ciidan ka badan 50 askari oo saraakiil sarsare kamid yihiin.

Ilo wareedyo SomaliMeMo ka heshay gobolka Bari ayaa sheegaya in ciidamada ugu badan ay maamulka Puntland uga hoobteen buuraha Goolis iyo wadada xiriirisa Boosaaso iyo Galgala.


Ciidamada Al Shabaab oo adeegsanaya dagaalka ku dhufo oo ka dhaqaaq ayaa cagta cagta usaaray maleeshiyaadka maamulka Puntland,dhulka buuraha kala sareeya leh ayay mujaahidiintu ku heleen boqolaal maleeshiyaad ah oo ay dagaal gelinayeen saraakiil caddaan ah.

20 katirsan ciidanka Puntland ayaa la rumeysanyahay in lagu dilay deegaanka Galgala illaa sugurre halka gaadiidka laga gubay uu 12 gaarayo.

Qaraxyada iyo dilalka qorshaysan ayaa qeyb ka ah asaaliibta ay xarakada Shabaabul Mujaahidiin u adeegsatay dagaalka wajiga cusub galay ee ka socda Waqooyi Bari Soomaaliya waxaana lafilayaa in bilaha soo socda ay sii xoogeysato awoodda Al Shabaab ee gobolka Bari marka la qiimeeyay qaabka ay wax usocdaan in naceybka ay shacabku u muujinayaan maamulka Cabdi Wali Gaas ee Itoobiya ku xiran.

Wasiirka ammaanka "Puntland” ayaa warbaahinta u sheegay in xoogaga Al Shabaab ay taageera ka helayaan shacabka Boosaaso arrinkaasi oo banaanka soo dhigaya in shacabka muslimiinta ay dhankamujaahidiinta jiraan.

Weerarada xiliyada habeenkii ah ay ciidamada Al Shabaab ka fuliyaan magaalada Boosaaso ayaa saameyn dhan walba ah reebay,Cabdi Wali Gaas oo 40 maalmood ka hor saxaafadda lahadlay ayaa sheegay in ay soo afjareen awooddii mujaahidiinta ee gobolka Bari balse warkaasi ayaa beenoobay waxaana ladhihi karaa "Gaas bulshada ayuu ku hor kufay”.

Soomaalidu waxay tiraahdaa "Meyd waxaa u dambeeya midka lasiisido”, khasaaraha maamulka Ashahaadda ladirirka Puntland isku magacaabay uu kala kulmay weerarada Al Shabaab waxaa u dambeeyay qaraxii shalay Gaalkacyo ka dhacay ee lagu dilay Col.Durraan Cumar Gelle madaxii Canshuuraha Gobolka Mudug.

Related Items