Xoogag Hubeysan Oo Weerar Khasaara Dhaliyay Ku Qaaday Magaalada Gaarisa.

Monday June 02, 2014 - 03:51:43 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 823
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xoogag Hubeysan Oo Weerar Khasaara Dhaliyay Ku Qaaday Magaalada Gaarisa.

    Wararka ka imaanaya dhulka Soomaalida NFD ee Kenya gumeysato ayaa sheegaya in weerar hubeysan lagu qaaday askar iyo saraakiil katirsan ciidanka Kenya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya dhulka Soomaalida NFD ee Kenya gumeysato ayaa sheegaya in weerar hubeysan lagu qaaday askar iyo saraakiil katirsan ciidanka Kenya. Xoogag hubeysan ayaa maanta barqadii bambaano ku weeraray garaash kuyaal bartamaha magaalada Gaarisa oo ay gaadiid ku sameysanayeen ciidanka Kenya.

Warbaahinta Kenya ayaa baahisay in weerarkaasi hal qof ku dhintay tira kalane dhaawacyo kasoo gaareen,ilo wareedyo ayaa sheegaya in ragga weerarka geystay ay ku baxsadeen mooto dhug-dhugleey ah oo ay wateen.

Ammaanka Kenya ayaa sanadadii lasoo dhaafay faraha kasii baxayay tan iyo markii ay ciidanka Kenya duullaanka kusoo qaadeen dalka Soomaaliya.


Gobolka Kenya ubixisay waqooyi Bari Kenya ayaa kamid ah goobaha weerarada ugu xooggan ay kala kulmaan ciidanka gumeysiga Kenya.

Liibaan Jeexoow Cabdi

SomaliMeMo,Muqdisho

[email protected]

Related Items