Muqdisho Busaarad iyo Baagamuundo Aan hore loo Arag,Warbixino Taxane Ah.

Tuesday March 10, 2015 - 20:06:29 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 35
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muqdisho Busaarad iyo Baagamuundo Aan hore loo Arag,Warbixino Taxane Ah.

    Sedaxdii sanadood ee lasoo dhaafay ayay magaalada Muqdisho wajaheysay qulqulka dad soomaali ah oo muddo sanada ah ku noolaa dalka dibaddiisa kuwaasi oo loogu sheekeeyay "magaaladu waa nabad"!.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sedaxdii sanadood ee lasoo dhaafay ayay magaalada Muqdisho wajaheysay qulqulka dad soomaali ah oo muddo sanada ah ku noolaa dalka dibaddiisa kuwaasi oo loogu sheekeeyay "magaaladu waa nabad"!.

6,Augst,2011 ayay xarakada Shabaabul Mujaahidiin ku dhawaaqday in ay bedeshay hanaankii dagaalka gobolka Banaadir ee ku salaysnaa difaacyada laysku hor fadhiyo taasi oo ka dhigneed in aysan jiri doonin dagaal mujaahidiintu ku difaacanayaan xaafadihii ay magaalada ka maamulayeen.

Durbadiiba waxaa mashxarada iyo dabaal degyo bilaabay madaxda DF-ka iyo taageerayaashooda oo inta warbaahino kiraystay ku qeyliyay "Caasimaddu waa nabad ee qurba joogto hasoo laabato oo magaalada ha dhisto”.


Waa sax in dagaalladii mudada sanadada ah ka socday caasimadda ay yaraadeen oo aysan jirin awooda isku hor fadhiya xaafadaha islamarkaana daara qurxoon iyo laamiyo laga dhisay Muqdisho balse maxaa xigay?.

Kumaanaan Qurba joog ah oo magaalada kusoo jabay ayaa isku dayay in ay qabsadaan ganacsiga iyo kaabayaasha muhiimka ah ee shacabka iyagoo adeegsanaya lacago malaayiin dollar ah iyo awoodda maamulka gobolka Banaadir.

Kooxahaasi reer Muqdisho u bixiyeen "Danyuusbaro” ayaa magaalada u horseeday sicir barara iyo shaqa yari waxayna magaalada Muqdisho isku bedeshay magaalo bilic qurxoon balse nolol adag.

Shirkadaha shisheeye ee ku faafay degmooyinka gobolka Banaadir ayaa iyana afduubtay dhaqaalihii caasimadda gaar ahaan kaalintii muruq-maalka soomaaliyeed.

Wixii burcad ahaa ee dibadda jiray ayaa caasimadda soo galay iyagoo ku marmarsiyoonaya ka qeybgalka "dib udhiska dalka”,kooxahaasi waxay unkeen shirkado magacyo kala duwan u bixiyeen sida Ceymiska Takaful,Bankiyo,Shirkadda adeegga bulshada iyo mashaariic kale oo dhammaantood ladoonayo in lagu dhaco hantida ganacsatada soomaaliyeed ee 20-kii sanadood ka shaqeysanayay gudaha dalka.

Siyaasiga Cabdi Cadde oo ku nool magaalada
Muqdisho ayaa SomaliMeMo u sheegay in magaaladu ay wajaheyso dhiigbax aan caadi aheyn oo dhanka dhaqaalaha ah, "Muqdisho waxay maraysaa xiligii ugu xumaa ee dhanka dhaqaalaha waxay dadku qarka usaaranyihiin in ay tuugsadaan,waa sax in daara dhaadheer lagu tixay xaafadaha iyo suuqyada balse wax ganacs i ah oo kala socdo majiro”ayuu yiri Cabdi Cadde.

Waxaa meesha ka baxay iskaashigii shacabka ka dhaxeeyay Nin walba wuxuu eeganayaa mid ka sareeyo is aaminaaduna way sii yaraanaysaa sababa laxariira kala shaki iyo isnaceyb shacabka lagu dhax beeray.

Sedax arrin oo muhiim u ahaa nolosha shacabka Muqdisho ayaa la waayay taasina waxay keentay in noloshu cariiri noqoto:-

"nolosha dadka waxay halbeeg ku aheyd midka dabaqadda sare ku nool wuxuu gacan qaban jiray midka dabaqadda dhexe midka dabaqadda hoose kunoolna waxaa soo qaadi jiray midka dabaqadda dhexe kunool hadda wax isgacan qabanaya majirto dadka dhana waxay eeganayaan kuwa dabaqadda sare iyana waxba ma ogola oo kaligood ayaa nool”ayuu hadalkiisa sii raaciyay Cabdi Cadde.

Waa Sidee ganacsiga Suuq-yada Muqdisho?,Baagamuundada bulshada heer intee la eg ayay gaarsiisantahay?, qodobadaas waxaan ku eegi doonaa qormada 2-aad ee Warbixinada Muqdisho Busaarad iyo Baagamuundo aan hore loo Arag.

Related Items