Muxuu John Kerry Rabaa? WQ/ Suldaan Maxamed Garyare, Abuu Cabdurraxmaan.

Friday June 27, 2014 - 11:24:57 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 5
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muxuu John Kerry Rabaa? WQ/ Suldaan Maxamed Garyare, Abuu Cabdurraxmaan.

    Allaah baa mahad leh. Ammaan iyo nabadgelyo Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato!.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Allaah baa mahad leh. Ammaan iyo nabadgelyo Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato!.



Alle (swt) Quraankiisa wuxuu ku sheegay in kuwa xaqa Alle iyo hannuunkiisaba inkiray ay yihiin kuwo adduunyada iyo macaashkeeda yaqaanna, laakiin dabool iyo jaahilnimo ka saaran tahay aakhiro iyo ciribta dambe. Alle oo taa noo sheegayana wuxuu Suuratul-Ruum Aayaddeeda 7aad ku caddeeyey:

(الاية رقم {7} من سورة { الروم}{يعلمون ظاهرا من الحياة الدنيا وهم عن الآخرة هم غافلون}



Dabari wuxuu Ibnu Cabbaas (rc) ka warinayaa in fasirka aayaddani yahay in Gaaladu ay garanayaan oo kaliya hab nololeedkooda, sida abuurka beeraha iyo gurashadeedaba, ganacsi samayn, xoolo kororsi, laakiin aysan garanayn xikmadda iyo suluubka ay adduunyadani ku socoto, waana kuwo ka jaahila diinta Alle(sw) iyo aakhiraba.

Waxa kale oo aayaddu dul-saaran tahay kuwo badan oo qiray in ay Alle (swt) aaminsan yihiin, hannuunkiisana sheegta in ay oggol yihiin, laakiin lamid ah gaalada markii ay noqoto falalka ay samaynayaan, oo aan gaalada waxba kaga duwanayn, in ay magac Islaam oo kaliya haystaan mooyee.


HADDABA SU’AASHA IS WEYDIINTA MUDAN AYAA WAXA AY TAHAY MAXAA JOHN KERRY LA GAL-GLANAYAA OO JIIF IYO JOOGBA U DIIDAY?.

Mareykan iyo xulafadiisa NATO, oo horey Ciraaq ugu duulay ayaa qorsheeyey in meesha laga saaro awood kasta oo Sunnigu yeesho, lana xoojiyo Shiicada Rawaafidda ah, si aan danaha Mareykanka iyo reer Galbeed marna looga hor imaan. Mareykanka iyo gaalo oo dhan ayaa aaminsan in aan Shiico wax diin ah lahayn in ay magac haysato mooyee, waana kuwa sida Gaalada dad iyo asnaam caabuda.

Reer galbeedku, danaha Ciraaq waxa ay u caleema saareen in ay kala xaajoodaan dawladda Iiraan oo la diin ah maamulka Shiicada ee Ciraaq loo dhiibay, waxaana meesha laga saaray in lagala tashado ururkii baaba’ay ee la oran jirey Jaamacatul- Carab (Arab League), loona sameeyey markii horeba in Muslimiinta Caalamka lagu kala qoqobo.

Waxa iyana booska ka baxay dowrkii dawladaha Carabta la yiraahdo, Khaliijkuna u tug-tug roonaa marka xagga dhaqaalaha laga hadlaya, waxaana laga dhigay kuwo aan wax boos ah ku lahayn arrimaha hadda Bariga Dhexe ka socda, sida Suuriya, Ciraaq iyo Masarba.

Sidii aynu ku soo aragnay farriintii Alle(swt) uu kaga hadlaya gaalada iyo danaheeda adduunyaba, waxa todobaadkan wareeg bilaabay ninka arrimaha dibadda Mareykanka u qaabilsan, ee John Kerry, isaga oo iska dhigaya mid hadda wax beddelaya, madax badan oo Carbeed, aqoon adduunyo iyo mid aakhirana aan lahayn, haddii ay leeyihiina aysan ka muuqan marka la cabbirayo waxa socda, la kulmaya.

DALKA MASAR

Dalka Masar, oo dhawaan xabsiyada loo taxaabay Ikhwaanu Muslimiinkii damcay in ay si sahlan talada dalka ku hantiyaan, diina ku xukumaan iyaga oo aan xisaabta ku darsan in ku dhaqanka shareecadda Alle ay Jihaad iyo juhdi u baahan tahay, laakiin Mujrimka weyn ee Cabdilcasiis Siisii, hoosna reer Galbeedku ka diyaariyeen, uu hawshii Ikhwaanka ka dhigay mid aan suuroobin, ayaa John Kerry iyo siyaasiinta Mareykanka, oo iska indha tirayey in la majaxaabiyey, dawladdii Ikhwaanku Dimuqraadiyad ku sheega ku soo baxeen, afkana kala xishoonayey in falkii Siisii ay ku tilmaamaan afgambi-militari, ayuu booqashadii u horreysey ka bilaabay.

Booqashada Kerry waxaa muddo maalmo kayar Masar booqday, una tahniyadeeyey Boqorka Sucuudiga oo aan diyaaraddiisa ka soo degin, Siisiina diyaaradda dusheeda ayuu ku booqday, isaga oo weliba dhunkasho ku bilaabay. Boqoshada Boqor Cabdalla ayaa bilow u ahayd in imminka reer Galbeed doonayaan in danaha iyo siyaasadda Ciraaq loo soo wareejiyo dalalka Carabta, lagana soo wareejiyo dalka Iiraan iyo Shiico, waayo Dawladda Islaamiga ah ee Ciraaq iyo Shaam (ISIS) ayaa dhabarka ka jabisay heshiis shaydaaneedka Shiicada iyo gaalada.

Tallaabadan cusub ayaa ujeedka laga leeyahay uu yahay in arbushaad iyo khal-khal lagu abuuro Muslimiinta Sunniga ah ee taagaarey Dawladda Islaamiga ah.

Dalka Masar oo siyaasiyan lagu tilmaamo dal kaalin mug weyn ku leh danaha Carabta iyo Muslimkaba, ayaa laga bilaabay xod-xodoshada Carabta Sunnigga ah.

XUKUUMADDA NOURI-MAALIKI EE CIRAAQ

Xukuumadda Nouri-Maaliki ee Ciraaq, oo Mareykanka iyo reer Galbeedku markii hore dhegta wax ugu sheegeen ayaa imminka dhegta kale wax loogu sheegay. Waxa xaqiiq ah in gaaladu mar walba ay danaynayso ciddii markaa u dhega nugul. Shiicada Ciraaq oo haysata kaalmada dalka Iiraan, cadaawad xunna u qabta Sunniga ayaa lagula ballamay in aysan marnaba soo dhaweyn dadka Sunnigg ah, wixii gabood fal ah ee ay u gaysan karaana ay u gaystaan sidaana dawlad ku ahaadaan.

Arrinkaas oo markii dambe u muuqday "BEENEY WAA RUN”, waayo Shiico oo dawlad ahi, kaalmo kastana haysataa ma xukumi karto Sunnigga, taariikh ahaana ma dhicin oo Shiico in ay cadawga Muslimka soo raacdo mooyee dal Islaam ah karti iyo awood ay ku maamusho loogama baran. Xumaanta ay gaysatana waa mid ka daran tan gaaladu Muslimiinta u gaysato, ninkii taariikhda Shiicada haya ayaana taas og.

Kerry oo khiyaanooyin aad u raqiis imminka wada ayaa Maaliki iyo Shiico ka dhaadhicinaya in ballantii hore aysan ahayn mid run ah amase suurta-gal ah, ee hadda tan jirtaa ay tahay mid run ah, warkii horena war soo dhaaf, oo libaaxyadii Alle oo seeftoodu galka ka baxsan tahay ayaa dayrka soo istagay, sidaa darteed qorshihii hore beddel, taladuna imminka innaga iyo Iiraan toona kama go’da waa arrinta Carabnimo lagu celiyaa, ee u dhega nugloow warkan dambe.

Kullamadiisa wuxuu ka bilaabay dawladda Maaliki iyo ragga la taliya ee ay kamid yihii Shayaadiintta Shiicada culimadda isaga dhiga ee iyagu hadda aaminsan in la daafaco Asnaamta ay caabudaan ee ku kala yaalla, Karbala, Najaf iyo Samarra, dhawaanna gacanta Mujaahidiinta in ay galayaan laga cabsi qabo.

Waxa kale oo uu hadda jooga dhulka Kurdigu dego, isaga oo ka dhaadhicinaya in ay meel uga soo wada jeestaan Mujaahidiinta hadda dalkii wada qabsaday, kolley waxa uu la kulmi doono waa wax aan gadaal ka faalleyndoono.

Sunniga Ciraaq, oo iyagu u riyaaqsan guulaha iyo yoolalka Mujaahidiinta ayaa durba cambaareeyey raad-gadashada reer Galbeedka iyo Mareykanka, una arka khiyaanooyin looga soo horjeedo ama lagu burburinayo kacdoonka Islaamiga ah iyo kacdoon wadayaasha.

Sheekh Cali Xaatimi, oo kamid ah Salaadiinta Sunniga, kuna sugan Gobolka al-Anbar ee badanaa gacanta Mujaahidiinta ku jira ayaa hadalkaa ka yiri goob uu kula hadlaya dadka Sunniga ah.

DALKA IIRAAN

Dalka Iiraan, oo waayihii dambe isagu isa siiyey in wax laga weydiiyo masiirka iyo mustaqbalka dalka Ciraaq iyo Suuriya, ayaa imminka candhuuftiisa dib u laqay, waayo waxa soo shaac baxay in aan hadda masiirka Ciraaq iyo Suuriya aan Iiraan oo keliya lagala tashanayn, oo ay jiraan jilayaal kale, kadib markii taladu faraha ka baxday, oo meesha wax aan lagu tashanba ay soo mareen, ileyn talo waa tii Allee.

Iiraan waxa aad uga adag in dawlad wadaag ah, awoodduna is le’eg tahay ay Ciraaq ka dhalato, waayo awood ay Sunnigu wax ku leeyihiin waxa ay kala fogaynaysaa wada jirka Shiicada Ciraaq iyo dawladda Iiraan, sidaa darteed Kerry waxa hortaal ka dhaadhicinta Iiraan laga dhaadhacsho isbeddelkan cusub oo Iiraan u aragto qaaadan waa!!!.

Dhawaan waxa afka furtay Hoggaammiyaha Kacaanka Iiraan Cali Khumayni, oo dhaleeceyn u soo jeediyey siyaasadda Mareykanka ee Ciraaq ku aaddan, isaga oo marmarsiinyo ka dhigtay ciiddammo dhawr boqol ah, Mareykanna sheegay in uu u dirayo dalka Ciraaq, si ay kaalmo ciidan ugu fidiyaan dawladda Maaliki, oo hadda furfuristeeda la wado.

Dhabahaan waa mid ku adag dalka Iiraan qorshaha Kerry, mana qaadan karto Iiraan qorshaha cusub ee Kerry, waana dhacdo cusub oo gobolka ku soo biirtay, xalkeedun adkaan doono.

Sida aad la socotaanba waayahan dambe waxa Mareykan iyo reer Galbeed kool-koolin ku wadeen Iiraan oo ay aaminsan yihiin in ay tahay cududda kaliya ee Sunniga loo hayo, maaddaama aysan Shiico diin macno leh ku doodeyn, ee ay qabriyadooda iska curraafaysanayaan.

DALALKA KHALIIJKA

Dalalka Khaliijka, oo lagu tilmaamo in ay u arrimiyaan madax Sunni ah ayaa iyagu ahaa ku sugnaa "laba daran mid dooro ”DILEMMA SITUATION”. Labadaa arrimood ayaa waxa ay kala ahaayeen: tan hore in awood loo yeelay Shiico, taas oo doonaysa in ay cagta mariso cid walba oo astaan Sunni leh.

Shiico oo ay madaxda Khaliijku aaminsanaayeen in aysan xataa nolol u oggolayn haddii ay mandaqadda ku xoogaysato, oo Shiicadu ma aha mid maamuladda kaliya col la ah, ee waa mid dadka Sunnigga oo dhan col la ah, gummaad ba’anna ka gaysanaysa meeshii ay timaaddo, waayo waxa markhaati ah waxa ay Ciraaq iyo Suuriyaba ka gaysteen.

Tan labaad oo ah Mujaahidiinta oo iyagu diiddan nidaamyada daaquudiga ah ee dalalkaa ka jira, laakiin aan nolosha dadka liddi ku ahayn, sidaa darteed madaxda Khaliijku waxa ay si taxaddar iyo ka fiirsasho ku jirto u taageereen Mujaahidiinta, iyaga oo weliba Mareykan ka baqaya.

Waxa hiil siyaasadeed muujiyey Amiir Sucuud Al-faysal, oo ah wasiirka arrimaha dibadda ee Sucuudiga ama Dhulka Xaramaynka, eedeynn u soo jeediyey dawladda Maaliki, kuna tilmaamay mid isir sooc diimeed wadda. Hadalkaas oo, runtii ah, hiil siyaasadeed ayaa neefta ka fujiyey madax badan oo Khaliijka horjoogayaal ka ah, cabburna hayey muddo badan, meel ay u ciirsadaan aan haysan, danna hadda u arka Mujaahidiinta, maaddaama ay dhabarka ka jabiyeen qorshihii Mareykanka ee Shiico kobcinta ahaa.

Isku soo wada duuboo Kerry qorshaha cusub ee uu hadda la gal-galanayo ma ahaan doono mid najaxa dhawr sababood, oo ay ugu horreyso in uu jiro baraarug diini ah, oo mandiqadda ka jira, mid siyaasi ah, oo la dareensan yahay luggoyadda gaalada iyo Shiico wada socda, xoogga Mujaahidiinta oo saydareeyey ama maamula dhul baaxaddiisu aad u wayn tahay, cudud ka baxsan shiico oo aan aan ka hor tagi karin Mujaahidiintaoo aan jirin, Mareykan iyo reer Galbeed oo aan hadda awoodin ciidan ay meel u diraan, tabardarro iyo fashil siyaasadeed oo jira, marka la isku soo duubo arrimahaas oo dhan mashruuca Kerry ma noqon doono mid soo dhaweyn iyo laab lakac hela, waxaana qabaa in siyaasadda Bariga Dhexe gashay weji cusub oo aan hadda reer Galbeed boos uga bannaanayn.


وآخر دعوانا أَنِ الحمد لله رب العالمين

Wa Billahi Towfiiq

Suldaan Maxamed Suldaan Garyare (Abu-Cabduraxmaan)



Related Items