Dhageyso:Qoysas Xaaladoodu Liidato Oo Laga Saaray Degmada Xudur.

Monday June 02, 2014 - 03:58:16 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 911
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso:Qoysas Xaaladoodu Liidato Oo Laga Saaray Degmada Xudur.

    Wararka ka imaanaya degmada Xudur gobolka Bakool ayaa sheegaya in tobaneeyo qoys halkaasi laga daadgureeyay kadib markii xaalado bani'aadanimo lasoo gudboonaadeen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya degmada Xudur gobolka Bakool ayaa sheegaya in tobaneeyo qoys halkaasi laga daadgureeyay kadib markii xaalado bani'aadanimo lasoo gudboonaadeen. Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay oo Bakool laga helay ayaa sheegaya in ciidamada Wilaayada Islaamiga Bay iyo Bakool ay in kabadan 15 qoys kasoo daadgureeyeen Xudur.

Malaaqyada iyo salaadiinta beelaha Bakool dega ayaa ku guuleystay in wilaayada islaamiga cafis u fidiso dad Xabashida la shaqeynayay oo laba bilood ka hor dhanka degmada Ceelbarde kasoo raacay gaadiidka Itoobiya.


Dadkan oo xaaladooda Nololeed aad uliidato ayaa gurmad loo fidiyay markii Xudur lagasoo saaray oo lageeyay deegaannada iyo degmooyinka xurta ah ee shareecada Islaamka lagu maamulo.

Sarkaal katirsan maleeshiyaadka Amxaara Kalkaalka ah ee Xudur ku sugan ayaa warbaahinta u sheegay in xaaladda go’doonka ah ee Itoobiya lagu saaray magaalada ay saameyn ba’an reebtay.

Waxgaradka gobolka Bakool ayaa wada dadaallo xooggan oo dadka fara kutiriska ah looga saarayo Xudur oo aysan jirin wax raashin iyo daawa ah oo gala.


Halkan ka dhageyso Xuseen Maleele oo isagoo ku sugan Xudur Warbaahinta lahadlay MP3


Related Items