Sh.Cali Jabal "Waxa Soo Socda ayaa Ka Weyn kuwii hore" Dhageyso.

Monday June 02, 2014 - 04:17:25 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1013
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sh.Cali Jabal "Waxa Soo Socda ayaa Ka Weyn kuwii hore" Dhageyso.

    Mas'uulka xarakada Shabaabul Mujaahidiin u qaabilsan gobolka Banaadir Sheekh Maxa'med Xuseen Sheekh Jabal ayaa shir Jaraa'id oo uu qabtay uga hadlay xaaladaha magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mas'uulka xarakada Shabaabul Mujaahidiin u qaabilsan gobolka Banaadir Sheekh Maxa'med Xuseen Sheekh Jabal ayaa shir Jaraa'id oo uu qabtay uga hadlay xaaladaha magaalada Muqdisho. Wuxuu sheegay in Dowladda Federaalka iyo ciidamada gumeysiga AMISOM ay ku fashilmeen howlihii dowladaha shisheeye u igmadeen oo aheyd in ay xaqiijiyaan heysashadooda magaalada.

Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxay sheegtay in ammaanka caasimadda uu yahay walwalka ugu weyn ee maamulka Xasan Sheekh iyo shisheeyaha soo duulay heysta.

Sheekh Jabal ayaa ku goodiyay in weeraro ka xanuun badan kuwii ka dhacay guriga baarlamaanka Madaxtooyada iyo maxkamadda sare ay ka geysan doonaan Muqdisho.


"Weerarada soo socda ayaa ka weyn kuwii hore insha’allaahu cadawgu Nabad kuma joogi doono Muqdisho”ayuu yiri Sheekh Cali Jabal.

Waaliga Banaadir ayaa tusaale usoo qaatay dhibaatada ay maleeshiyaadka DF-ka ku hayaan shacabka soomaaliyeed ee gobolka Banaadir ku dhaqan sida 60 isbaaro ee yaal gudaha iyo hareeraha Muqdisho.

Halkan ka dhageyso Shirka Jaraa’id Ee Sheekh Cali Jabal MP3


Related Items