Madaxa Hay’adda Brookings Institution oo warbaahinta kula hadashay magaalada
Washington ayaa ka warbixisay socdaalka ay bishii March,2015 ku tagtay
magaalada Muqdisho halkaasi oo ay kulasoo kulantay mas’uuliyiin katirsan DF-ka
iyo saraakiisha ciidamada gumeysiga AMISOM.
Vanda Felbab Brown waxay sheegtay in Soomaaliya ay
kajirto dowlad tabar daran oo jiritaankeeda ay halis ku yihiin musuq maasuq iyo
xarakada Shabaabul Mujaahidiin.
Waxay sheegtay in ciidamada ammaanka ay ka amar qaataan siyaasiyiin,shirkado
shisheeye iyo qabaa’illo soomaaliyeed islamarkaana aysan jirin wax awood maamul
ah oo gacanta ugu jira xasan Sheekh.
"Ciidanka ammaanka soomaaliya wuxuu gacanta ugu jiraa siyaasiyiin,ganacsato iyo
qabaa’illo majiro ciidan taya leh oo madaxweyne Xasan Sheekh gacanta ku hayo”ayay
tiri Vanda Felbab Brown.
Hay’adda Brookings Institution waxay soo hadal qaadday kaalinta ciidamada
shisheeyaha AMISOM ku leeyihiin maamulidda soomaaliya,”Ciidamada AMISOM kama
amar qaataan xukuumadda mana ah kuwa nidaamsan kaliya waxay ku egyihiin saldhigyadooda”ayaa
lagu yiri warka kasoo baxay hay’adda Mareykanka ah.
Sidoo kale Brookings Institution waxay warbixinteeda ku sheegtay in ciidamada
AMISOM ay ka caga jiidayaan dagaalka ay kula jiraan xarakada shabaabul
Mujaahidiin.
Ciidamada shisheeyaha waxay si gaabis ah u wadaan howlgallada ka dhanka ah Al
Shabaab marmarka qaarna islaamiyiintu waxay dib uqabsadaan deegaanada AMISOM
kasoo baxaan.
"AMISOM way ka gaabisay ladagaalanka Al Shabaab magaalooyinka qaar maalintii
ayay AMISOM joogtaa xilliga habeenkii ah waxaa maamula Al Shabaab”ayay
hadalkeeda sii raacisay Vanda Felbab Brown.
Ugu dambeyntii hay’adda Mareykanka ah waxay sheegtay in musuq maasuq daran oo
daashaday dhammaan hay’adaha xukuumadda iyadoo tusaale usoo qaadatay in
askariga katirsan DF-ka uusan qaadan mushaar joogta ah taasi oo keentay in ay
hantida shacabka boobaan.
Muraad Jaamac,Dubai,UAE
[email protected]
Vanda Felbab Brown "AMISOM Waxay Ka Caga Jiidaysaa La dagaalanka Al Shabaab,Xasan Sheekh iyo Maamulkiisa Waxay la dhibanyihiin Musuq Maasuq" Warbixin Cusub.
Warbixin cusub oo ay soo saartay hay'ad Mareykanka ah ayaa lagu sheegay in Xasan Gurguurte hoggaamiyaha DF-ka ee Soomaaliya uusan maamulin wadanka islamarkaana ciidamada shisheeyaha AMISOM ay qaati ka taaganyihiin dagaalka ay kula jiraan shabaab