Dowladda Kenya Oo Aqoonsi Dublumaasiyadeed Siisay Maamulka Somaliland.

Saturday June 07, 2014 - 03:02:39 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 901
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Kenya Oo Aqoonsi Dublumaasiyadeed Siisay Maamulka Somaliland.

    Maamulka Somaliland ee ka taliya gobolada dhaca waqooyi galbeed Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in xukuumadda Kenya ay aqoonsi dublumaasiyadeed ka heshay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka Somaliland ee ka taliya gobolada dhaca waqooyi galbeed Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in xukuumadda Kenya ay aqoonsi dublumaasiyadeed ka heshay. Maxamuud Cabdullaahi Sifir oo ku magacaaban qunsulka Somaliland ee Kenya ayaa wareysi uu siiyay BBC-da ku sheegay in dowladda Kenya ay wax u eg aqoonsi u muujisay maamulka Somaliland isku magacaabay.

"Dowladda Kenya waxay qorshaynaysaa in ay dhawaan qunsuliyad ka furato magaalada Hargeysa,xariirka nagala dhexeeye Kenya waa sifo dublumaasi ah waana tallaab horay loo qaaday”ayuu yiri Sifir.

Saraakiil ka socday wasaaradda arrimaha dibadda Kenya ayaa maalmo ka hor socdaal ku tegay magaalada Hargeysa waxayna ukuur gelayeen xaaladda magaalada iyo halka ay xafiisk ka furanayaan.


"Mas’uuliyiin ka socday dowlada Kenya ay socdaal ku tegay Hargeysa waxayna eeganayeen halka ay qunsuliyadda ka furan doonaan”ayuu hadalkiisa sii raaciyay Sifir.

Kulan ay magaalada Nairobi ku yeesheen golaha wasiirada Kenya ayay ku ansixiyeen in qunsuliyado laga furo Hargeysa iyo Kismaayo.

Dowladda Kenya oo ciidankeedu xoog ku heystaan magaalooyin katirsan Jubbada Hoose iyo Gedo ayaan wax aqoonsi ah u heyn dowlad ku sheegta Xasan Sheekh Madaxda u yahay waxayna qunsuliyado ka furanaysaa magaalooyin ay maamullo goboleedyo ka taliyaan.

Liibaan Jeexoow Cabdi

SomaliMeMo,Muqdisho

[email protected]

Related Items