Madaxda DF-ka oo Aan Ka Qaangaari Hal Oraah oo Facooda Ka Reebay Dhageyso.

Friday July 04, 2014 - 09:57:16 in Wareysiyo iyo Warbixinno by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 3
  • Share via Social Media

    Madaxda DF-ka oo Aan Ka Qaangaari Hal Oraah oo Facooda Ka Reebay Dhageyso.

    Hoggaanka Dowladda Federaalka ee Taangiyada AMISOM ku ilaaliyaan Villa Somalia ayaa ka kori la' hal oraah ama qowl oo ay caan ku yihiin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoggaanka Dowladda Federaalka ee Taangiyada AMISOM ku ilaaliyaan Villa Somalia ayaa ka kori la' hal oraah ama qowl oo ay caan ku yihiin.

Cabdullaahi Yuusuf Axmed,Shariif Sh.Axmed,Xasan Sheekh iyo dhammaan mas’uuliyiintii soo maray DF-ka ayaa dhammaantood marka sarkaal laga dilo,ama mas’uul howlgal looga dilo waxay warbaahinta ka sheegaan oraahda ah "Waa fal argagaxiso,Cambaarayn,hadda lasoo qabanayaa..waa fal dambiyeed”!.

Waqti Tacsi utaal oo meydka xildhibaanka ama taliyaha ciidanka ee ladilay aan la aasin ayay hoggaanka DF-ka iskasii hormarinayaan cambaarayn iyo goodis aan bishimaha soo dhaafin! waxaadba mooddaa in cambaarayntu tahay deyn ay iska gudayaan.


Su’aasha isweydiinta mudan waxay tahay Al Shabaab oo ah cidda weerarka geysatay Cambaareyn iyo Hanjabaad maxay udhimee? .

"Dadka Muqdisho way ku qoslaan marka ay idaacadaha ka maqlaan R/wasaare C/Wali Sheekh oo dhaar iyo cambaarayn ku hadaaqaya marka xarun muhiim ah laga weeraro ama xildhibaan lagadilo waxaa kasii daran R/Wasaaruhu isagoo madax xiiran ayuu Telefeshinada kasoo muuqanayaa misna afka furanayaa runtii ma ahan Nin mas’uul ah oo xishooda”ayuu yiri siyaasiga Cabdi Cadde.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bishii Febaraayo 2014 markii uu dhacay weerarkii isaga lagu dili rabay ee madaxtooyo wuxuu xagaf yiri dhaar ah "Mar dambe uma dulqaadan doonno in xarumaha qaranka ay Argagaxisada Shabaab weeraraan tallaab adag ayay ciidanku qaadi doonaan"!!.

Markii dhaartaasi kasoo yeertay Xasan Sheekh bilo kadib waxaa laweeraray xarunta baarlamaanka oo aan ka fogeyn madaxtooyada hadane dhaar cusub iyo Nabad Ku Afur waxaa xiga weeraradii soo bilaawday Kowdii Ramadaan oo gallaaftay Nolosha askar iyo xildhibaanno.

Max’med Cismaan Jawaari ayaa isna sheegay in uu erayada ugu Kulul ku cambaareynayo dilalka xildhibaanada iyo shaqaalaha baarlamaanka.


Related Items