RW Cabdi Wali "Dagaalka aan Kujirno Waa Mid Dhib-badan dowladana qaabkii dagaalka ayaa ka maqan" Dhageyso.

Sunday July 06, 2014 - 06:48:54 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 4.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    RW Cabdi Wali "Dagaalka aan Kujirno Waa Mid Dhib-badan dowladana qaabkii dagaalka ayaa ka maqan" Dhageyso.

    Waqti ay dowladda Federaalka ee la shaqeysa shisheeyaha soomaaliya kusoo duulay ay ku fashilantay fulinta ajandayaasha loo xil saaray ayay madaxda dowladdu markale afka furteen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waqti ay dowladda Federaalka ee la shaqeysa shisheeyaha soomaaliya kusoo duulay ay ku fashilantay fulinta ajandayaasha loo xil saaray ayay madaxda dowladdu markale afka furteen.

C/Wali Sheekh oo ku magacaaban R/wasaaraha DF-ka ayaa markale sheegay in ay sii wadayaan ladagaalanka wax uu ugu yeeray Argagaxiso.

Isagoo saraakiil ciidan kula hadlayay Muqdisho ayuu ka dhawaajiyay war aan soo dhaafi doonin madasha uu ka jeediyay iyo qalabka warbaahinta kaasi oo ahaa "Todobaadka kacdoonka dadweynaha”!!.

Isagoo isku dayaya in uu bulshada dhan kale u rogo indhahoodana ka weeciyo fashilka dhanka ammaanka ah ee Muqdisho kajiro ayuu ku afmacaansaday wax u eg Riwaayad aan jilaa wanaagsan laheyn sida ay siyaasiyiintu sheegayaan.


Isagoo hadlayay ayuu yiri "Dowladdu waa awoodda sugidda ammaanka iyo la dagaalanka alshabaab balse qaabkii ayaa naga maqan oo aan kari la’nahay”.

Mar uu ka hadlayay dhibaatada ay kala kulmayaan dagaalada ay kula jiraan xarakada Al Shabaab wuxuu yiri "Dagaalka aan kujirno ma ahan mid caadi ah waa dagaal dhib badan oo madaxdii dowladda mid mid loo beegsanayo”.

Shaqada C/Wali ayaa soo koobantay ka hadlidda munaasabadaha gaarka ah iyo socdaallo uu dibadda ku tago isagoona marwalba jeediya hadallo aan miizaan siyaasadeed laheyn
.

Mahad Yare

SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]


Related Items