Falanqeeye-yaal: Awoodda Meliteri Ee Alshabaab way soo noqotay Warbixin.

Saturday September 12, 2015 - 09:50:01 in Wararka by
  • (Rating 2.4/5 Stars) Total Votes: 9
  • 4 2
  • Share via Social Media

    Falanqeeye-yaal: Awoodda Meliteri Ee Alshabaab way soo noqotay Warbixin.

    Barta internetka ee Al-JazeeraNet ayaa warbixin ka qortay deegaanadii ay mudooyinkii dambe la wareegayeen Mujaahidiinta Soomaaliya, kadib markii Ciidamada Shisheeye ee Amisom ay baxeen deegaanadaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Barta internetka ee Al-JazeeraNet ayaa warbixin ka qortay deegaanadii ay mudooyinkii dambe la wareegayeen Mujaahidiinta Soomaaliya, kadib markii Ciidamada Shisheeye ee Amisom ay baxeen deegaanadaasi.


Warbixinta oo uu qoray wariye Cabdiraxmaan Sahal ayaa waxa uu ku yiri :

"guulo dhowr ah ayay mudooyinkii dambe xaqiijisay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin, taas oo keentay in la is weydiiyo; haddii Xarakadu ay ku najaxday inay dib usoo ceshato awoodeedii Meliteri, kadib dhowr sano oo dib u gurasho ah”.

"Billowgii bishan waxay Xarakadu dib u qabsatay degmada Bu-aqable ee Istaraatiijiga ah ee dhacda Gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya, markii ay baxeen Ciidamadii Itoobiya ee halkaas ku sugnaa, iyadoo sidoo kale la wareegtay deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeellaha hoose, taasoo ka dambeysay kadib weerarro xooggan oo lagu qaaday Ciidamada Afrikaanka ee goobahaas ku sugnaa”.



Warbixintu waxay intaas kusii dartay : ” xeel dheeraha arrimaha Istaraatiiiga Anwar Axmed Mayow ayaa qaba inay soo laabatay awooddii Meliteri ee Xarakada Al-shabaab”, isagoo tilmaamay ” in arrinkaas uu hadda yahay mid muuqda, iyadoo sanadkii 2013-kii ay ka baxday magaalooyin dhowr ah, kadib howl-gal meliteri oo ay qaadeen Ciidamada Afrikaanka iyo kuwa Soomaalida”.

Mayow wuxuu hadalkiisa kusii dhidbay : ” inaysan u muuqan rajada ah in Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab lagu soo afjari karo awood Meliteri”, isagoo taas u sababeeyay arrimo dhowr ah oo ka mid tahay : inaysan diyaarsaneyn Ciidamo Soomaali ah oo qaabkii loo baahnaa ula howl geli kara Ciidamada Shisheeye ee Amisom”.

Sida uu qabo xeel-dheerahan, Ciidamada Shisheeye ayaan iyaguna keligood xaqiijin kara guul meliteri oo istaraatiiji ah oo ka dhan ah Mujaahidiinta Soomaaliya, inkastoo -sida uu sheegay- Xarakadu ay awoodeeda Meliteri ka saartay magaalooyinka waaweyn, una wareejisay deegaanada iyo tuulooyinka.

Wuxuu xusay in Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ay si wanaagsan ula jaanqaaday dagaalka Xarbu-Cisaabaatka, ayna adeegsatay taak-tikooyin kala duwan sidii ay u wiiqi laheyd Cadowgeeda, xilli Ciidamada Afrikaanka ay ka cabanayaan "agabka Meliteri oo kuyar” iyo iyagoo aan dabooli karin dhulka baaxadda leh ee ay isku fidiyeen.

Abshir Cumar Xuseen oo isna falanqeeya arrimaha Istaraatiijiyadda ayaa aaminsan in Xarakadu ay hadda si xor ah isaga kala gudubto dhul ballaaran, wuxuuna sheegay in adeegsida dagaalka ku dhufo oo ka dhaqaaqda ah inuu u suurta geliyay fulinta weerarro nowci ah oo aad loo soo qorsheeyay oo ay ku qaaddo Ciidamada Shisheeye ee Amisom.

” Waxay ka faa’ideystaan dul-duleellada Ciidamada Afrikaanka, kuwaasoo aan aqoon u laheyn Juqraafiyadda dhulka Soomaaliya”. ayuu hadalkiisa kusii daray.

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka DF-ka oo lagu magacaabo Axmed Cabdi ayaa isna Al-Jazeera u sheegay in marka laga soo tago dagaallada iyo weerarrada; ay Ciidamada Shisheeye ee dalka ku sugan wajahayaan duruufo xagga maalgelinta iyo qalabka ah.

Dadka ka faalooda arrimaha Meliteriga iyo istaraatiijiyadda Ciidanka ayaa si aad ah falanqeynaya awoodda Xarakada Shabaabul Mujaahidiin wixii ka dambeeyay weerarkii Ciidanka Xabashida lagu laayay ee ka dhacay deegaanka Jameeco ee gobolka Baay , kii Leego ee Burundi lagu gumaaday iyo kii ugu dambeeyay ee ka dhacay deegaanka Jannaale ee gobolka Shabeellaha hoose ee lagu xasuuqay Ciidamada Uganda.

AmiirNuur Media, News Desk

Soruce :Aljazeera.net

 


Related Items