Argagixisnimo Loo adeegsanayo La Dagaalanka "Argagixisada".

Wednesday September 16, 2015 - 22:01:21 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 1.9/5 Stars) Total Votes: 14
  • 2 1
  • Share via Social Media

    Argagixisnimo Loo adeegsanayo La Dagaalanka "Argagixisada".

    Golaha Qaranka Xuquuqda Insaanka ee Dalka Kenya ee marka magaciisa lasoo gaabiyo loo yaqaano (KNCHR) ayaa soo saaray warbixin dheer oo Booliiska dalkaasi ay ku eedeynayaan inay geystaan dilal aan waafaqsaneyn sharciga oo ay kula kacayaan dhallinyarad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Golaha Qaranka Xuquuqda Insaanka ee Dalka Kenya ee marka magaciisa lasoo gaabiyo loo yaqaano (KNCHR) ayaa soo saaray warbixin dheer oo Booliiska dalkaasi ay ku eedeynayaan inay geystaan dilal aan waafaqsaneyn sharciga oo ay kula kacayaan dhallinyarada Muslimiinta, iyadoo mar marsiyo loogu dhiganayo waxa loogu yeero la dagaalanka Argagixisada.



Tan iyo intii Ciidamada Booliisku ay billaabeen howl-galladooda ka dhanka ah waxa loogu yeero Argagixisada waxay warbixintu sheegtay in la dilay 25 ruux, islamarkaana la afduubay 81 kale, kuwaas oo jirdillo iyo xadgudubyo kala duwan loogu geysto gudaha Xabsiyada. Laakiin waxaa la rumeysan yahay in tirada dhallinyarada Muslimiinta ah ee Booliisku dileen inay taas aad ugu badan tahay.

Warbixintu waxay xustay in dhallinyarada Xabsiyada lagu xiro ay la kulmaan tacdiibin aad u daran, sida : iyadoo lagu biyo dhex quusiyo, Jirkooda oo Koronto lagu qabto, mararka qaarkoodna waxaa laga garaacaa Xubnaha taranka, taas oo sababta inay qaarkood sababsadaan jirdilladaas foosha xun ee loo geysanayo.



Booliisku waxay isticmaalaan falal argagixisnimo ah si ay ula dagaallamaan "Argagixisada” ayaa lagu yiri Warbixinta ay soo saartay Hey;adda "KNCHR”. Waxayna intaas kusii dartay ” qaabkani sharci darrada ah waxay ula dhaqmaan dadka iyo kooxaha lagu tuhmo inay ka dambeeyaan weerarrada gudaha dalka ka dhacaya.

Marka laga soo tago dad weynaha Muslimiinta ee Kenya ku nool oo dhibaatadan ka wada sheeganaya; ayaa haddana dhallinyarada Soomaalida waxay yihiin kuwa ugu daran ee la kulma xadgubudyadaasi.

Ciidamada Meliteriga iyo kuwa Booliiska Dowladda Kenya oo bilihii lasoo dhaafay howlgallo ka waday magaalooyinka ay Soomaalidu dagaan sida Maandheera, Gaarisa iyo Wajeer ayaa afduubay toboneeyo ruux, kuwaas oo aan illaa iyo hadda nolol iyo geeri midna lagu heyn, iyadoo qaarkoodna meydadkooda laga helay gobollo fog fog, kadib markii la toogtay.

Isha Warka :Capital fm

Related Items