HA LA TUKADO LOO KA LA TEGI WAA!!! W/Q Suldaan Garyare.

Monday October 05, 2015 - 10:29:01 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 1.9/5 Stars) Total Votes: 24
  • 2 3
  • Share via Social Media

    HA LA TUKADO LOO KA LA TEGI WAA!!! W/Q Suldaan Garyare.

    بسم الله الرحمن الرحي وبعد الحمد لله رب العالمين والصلاة والسلام على أشرف الأنبياء والمرسلين نبينا محمد وعلى آله وصحبه أجمعين

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

بسم الله الرحمن الرحي وبعد الحمد لله رب العالمين والصلاة والسلام على أشرف الأنبياء والمرسلين نبينا محمد وعلى آله وصحبه أجمعين

Allaah baa mahad leh. Ammaan iyo nabadgelyo Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato!

Waxa aad mooddaa in beryahan dambe ay soo badanayso cabashooyinka iyo qaylo-dhaanta ka soo yeeraysa qolyo badan oo markii hore run mooday dhaan-dabaggaallaha ay Gaalada Caalamku ku maaweelinayso. Qolyahan hadda afka-labadii yeeray waxa ka mid ah kuwo culummo u ahaa dawlad ku sheegga iyo AMISOW, dad badanina u aaminsan yihiin in ay u fataawoodday, oo xumaanta iyo diin darrada dalka iyo dadkaba lagu hayo hormuud u ahaa, ummaddiina xaqii ka jeediyey, cadowgii Allena dadkii ehel iyo walaal ugaga dhigay. Qolyaha kale oo af labadii yeeray waxa ka mid ah qolo sheeganaysa in ay yihiin Gole Wakiillo (parliament),doon aysan garanayn cidda waddanna (Naakhuude) saaran, dabadeedna badda dhexdeeda markii dakhilkii (shukaantii) kaga jabtay soo baraarugay. Waxa ayaan darro ah in aanay muuqan in dareen sare oo bulshada fiyoobi qaadan karto aanay warbaahinta ka sheegin, waxaana kuu muuqanaysa in ay badankood ka careysan yihiin garab marin lagu sameeyey awood ay lahaayeen, cid kalena loo gacan geliyey.



Qolyahan dhawaaqaya ayaa afkooda laga hayaa ”dalku xor ma aha, waana la haystaa” . Hadalkaas waa mid u muuqda run, laakiin su’aashu waxa ay tahay goorma ayey ogaadeen in dalku uu gacan gumeysi gaalo ah uu ku jiro?. Hadalkan ayaa u eg kii lagu yiri ”Beenlow run sheegay”, sababta oo ah waxa ay sheegeen waa run laakiin waa beenloowyaal dalkii iyo dadkii gaalo ka iibsaday, xaqiina ka leexday, ummadana dulli iyo gunnimo u horseeday, inkasta oo aan dadka Soomaalida ahi aysan dulligaa wada qaadan oo qaybo badani diiddan yihiin, xabbadana u haystaan, cadowgii Allena hor taagan yihiin. Qolyahani haddii ay yihiin kuwo ka run sheegaya waxa ay ku hadaaqayaan, maxaa ka hor taagan in ay garab siiyaan ama ay afka soo mariyaan nimanka diiddan cadowga ay tilmaameen, oo ay u yihiin kuwo gadaal ka baqaya ama aan weli runta sheegin?.

Naxariistii janno Allaha ka waraabiyee Xaaji Aaden (Af-qallooc) oo la yaabban caqli xumada nimanka madaxda Soomaalida sheegta ee ku qanacsan qawaaniinta gaalada ayaa sannadkii 1967kii gabay ka tiriyey. Xaajigu waxa uu yiri:

Wax na diley xaqoon aasno iyo iib dacaawiya’e

Wax na diley halkaad ku igmaneyd koonto ku abuure,

Wax na diley islaam la xaqiriyo gaal isu ekeyne,

Wax na diley ajnabi taladayada lagula eertaye,

Wax na diley adduun niman raboo sharafna eegeyne,

Wax na diley ummadahaan qadderin aadmigaan nahaye,

Wax na diley af beenoo runtii waana la arkeyne,

Haddaba nimanka maanta nac-naclihi, miyaanay u ekayn kuwii uu Xaaji Aadan sheegay muddo ku siman 50 sano, weliba kuwani in ay ka sii liitaan ayaad moodda oo xataa waxa ay dhumiyeen wixii ay ugu yeeri jireen waddaninimo (nationalism), oo aan anigu qabo in aysanba ahayn mabaa’dii ama isir (factor) macno leh, bulshadana lagu kiciyo, waayo waddaninimadu ma aha wax la abuuro ee waa wax qofku uu u arko in ay tahay mid dantiisa u adeegeysa, ee ma ah mid inta shafka calan been ah lagu xirto, afkana laga sheegto.Bulsho weliba waxa ay bulsho ku tahay in ay xisaabtanto ama ogaato waxa soo maraya ama loogu sheekeynayo, waayo bulshadu haddii aysan ahayn mid sifaadkaas aan soo tilmaamay leh, lama oran karo waa bulsho jirta. Haddaba caddaalad ma aha in la eedeeyo oo keliya kuwo rukumada ah ee gaaladu ummadda soo hor joojisay, waxaasu xusud mudan in iyana bulshada Soomaaliyeed miisan la saaro, miisaankaas oo ah mid xaqiiqda tilmaamaya ama sifeynaya. Bulshada Soomaaliyeed oo u badan bulsho qabyaalad iyo xumaani dilootay ayaa qayb ka ah in dalka gaaladu qabsato, kuwo ay ku adeegatona la timi, bulshaduna u aragtay niman Soomaali ah, taas ayaana bulshadan dhegweynta ahi garan la yihiin. Alle (swt) markii uu tilmaamayey qoonkii Nabi Muuse (cs), ee Fircoon Ilaahnimada u sheegtay ay ahaayeen qoom ama bulsho Faasiqiin ah, waayo in Fircoon Alle sheegto, bulshada dullinimadeeda ayaa qayb ka ah, waana caddaalad, waxaana la sheegaa in ummad kasta uu horjooge u noqda kooda ugu shar ama ugu xumaan yar.

Abwaan Cismaan Yuusuf Keenadiid oo la yaabban dullinimada dadka Soomaaliyeed, una muuqda kuwo aan garan maalin walba godka laga qaniinayo, shayaadiin iyo gaalo-raacyona u sacab tumaya, ayaa sannadkii 1952kii, oo ah xilli ay Soomaaliya ku jirtay ganatii gumeysigii dalka ka la qaybsaday, ayaa gabaygan ka tiriyey:-

Magan bay shisheeye u yihiin, meel la joogaba e

Maalin noolba niman baa ku fala, waxay ka muraadaane

Muquunay ku joogaan, sidii maal la leeyahay e

Raggii madaxdu ka xumaataa, waa marin habaabaane

Kuwii maqaddinnada looga dhigay, waa manfaco raaceene

Mar maxaad cuntaan kaliya, buu yahay maqsuudkoode

Nin mushaharo eexaynahayaa, waa miskiin dhabahe

Muddeec waxa ka dhigay, inuu maarmi waa yahay e

Mudaafacana seeg, iyo inuu maya yiraahdaa e

Culimadana damac baa malgay, oo mooyi say tahaye

Milladdiyo shareecada, bar baa maal ku iibsadaye

Marsiis iyo fudayd buu ku dhacay, maqane diinkiye

Mas’alo-gaabkiyo , ways hayaan kii mufti ahaaye

Ardaydaa mujaaddilo la gali macallinkeediiye

Midkii dhawr masa’alo soo bartaa, maaro loo heline

Makastiyo intii caamo ahayd, bay madax wareersheene

Hadba xaal muraad lagu wataa, waa layna maqashiine

Waa waxaan minhaajkiyo tuxfaha, meelna kaga oolle”.

Haddaba qoraalkan yar waxa aan ku soo gabagabaynayaa in dad badan oo qaar Culummo sheeganayaan, amase ayba qaybo bulshada ka mid ah culimmo u yihiin iyo kuwo kale oo iyana mas’uuliyiin sheeganaya ay imminka ku hadaaqayaan in dalka la haysto, taas oo ay markii hore rumeysnaayeen dawlad gaalo soo dhisatay, gaalo-raacyana horjooge uga dhigatay, dadkiina ku luggoosey, sidaa darteed haddii afkooda iyo dhegahoodu is maqlayaan, ha ka run sheegaan waxa ay ku hadaaqayaan, haddii kale bulshadu dhegeysan maysee yeysan is lu’goyn, dadkana haadaan dambe aysan ka tuurin, Allena ka baqaan, xumaanta iyo fashahaadka ay ku dhex jiraana ha ka dhex baxaan.

وآخر دعوانا أَنِ الحمد لله رب العالمين

Wa Billahi Towfiiq

Suldaan Maxamed Suldaan Garyare (Abu-Cabduraxmaan)

Related Items