Maqanay War-laay Malaguu Warramay! W/Q Suldaan Garyare..

Sunday October 11, 2015 - 18:38:11 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 1.5/5 Stars) Total Votes: 62
  • 5 7
  • Share via Social Media

    Maqanay War-laay Malaguu Warramay! W/Q Suldaan Garyare..

    بسم الله الرحمن الرحي وبعد الحمد لله رب العالمين والصلاة والسلام على أشرف الأنبياء والمرسلين نبينا محمد وعلى آله وصحبه أجمعين

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

بسم الله الرحمن الرحي وبعد الحمد لله رب العالمين والصلاة والسلام على أشرف الأنبياء والمرسلين نبينا محمد وعلى آله وصحبه أجمعين


Allaah baa mahad leh. Ammaan iyo nabadgelyo Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato!.

Dad badan oo Soomaaliyeed ayaad mooddaa in ay u rumeysan yihiin dhabahaanta calanka Soomaalida lagu aqoon jiray, ee buluugga ahaa xiddigta cadna lahaa iyaga oo aad u malaynayso in ay mararka qaarkood cibaado iyo diin ahaan u aaminsan yihiin, xadgudub lagu sameeyana u arka dambi weyn oo la galay. Taasina ma aha mid layaab leh, oo dadka aqoontooda iyo waxa lagu soo barbaariyey ayey ku xiran tahay.




Guud ahaan haddii aan si yar oo kooban aan uga hadlo waxa calamadu tilmaamayaan ama ay xambaarsan yihiin, waa mid kuu tusinaysa in calanku uu yahay astaan ama sifo lagu yaqaan bulshada uu u suran yahay ama uu tilmaanta u yahay.

Haddaba calamada bulshooyinka dunidu haystaan ayaa salka ku haya taariikh, hiddo iyo dhaxal muujinaya jiritaanka qawmiyaddaas ama bulshadaas, ee ma aha kuwo nin ama kooxi inta ay iska soo xar-xariiqeen, dabadeena cod aqlabiyad ama far taagid lagu sameeyey ama ku yimi.

Calanka buluugga ah ayaa micnihiisu yahay "feejignaan, run iyo daacad, adkaysasho iyo caddaalad” (A symbol of blue flag is a vigilance, truth and loyalty, perseverance & justice),waana mid lagu yaqaan bulshada calankaas leh, waxaana laga helayaa hiddahoodii hore ama sooyaalkoodii taariikheed. Haddaba kan Soomaalida loo sameeyey sannadkii 1954kii, oo ah kan buluugga ah ma yahay mid Soomaalidu horey u taqaannay amase ka tarjumaya hiddaha iyo sooyaalka taariikhiga ah ee Soomaalida, wixii mudadii ka horreeyana maxaa calan inoo ahaa?.

Dhanka kale Soomaalidii hore maxaa calan ama astaan u ahaa markii ay cadaw wajahayso? Maxa ay sidan jireen Axmed Guray iyo Daraawiishtu, amase ururkii dhallinyarada (SYL) markii ay gaaladii Ingiriiska, Faransiiska, Xabashida iyo Talyaaniga la dagaallamayeen, marka laga reebo wixii ka horreeyey dawladihii abuurmay 1960aadkii?.

Soomaalidu waxa ay aaminsan tahay in calanka buluugga ah xiddigta ku taxani ay astaan u tahay in dhulka Soomaaliyeed shan (5) qaybood yahay, shanta qayboodna ay midoobaan. Haddii aynu aragtidaa ama arrintaas maanta eegno waxa la moodaa in dad badan maankooda iyo qalbigooda ay ka tirtirmayso aarintaasi, kaddib markii ay oggolaadeen ama ay tanaasul badan ka muujiyeen dhulalka Xabashida iyo Keenyaatiguba xoogga ku haysto, haddana waxa ay ku doodayaan in ay tahay lama taabtaan calankan buluugga ah iyo xiddigtiisaba. Cadowgii Soomaaliyeed, oo muddaba dadka wax garanayaa ay hor joogeen ayaa maanta taladii iyo siyaasaddii dalkaba gacanta ku haya, isaga ayaana hoggaankii dalku hoos joogaa, haddana waxa aad mooddaa in summada calanku ay muujinayso in cadowga dalka uu dhulal innaga haysto, cadowguna taas waa ogyahay, maxaa diidaya in uu awooddiisa ku tirtiro calanka buluugga ah ee xiddigta leh, tilmaamayana in dalal naga maqan yihiin, oo weliba cadowga ku maqan yihiin, maaddaama ay tilmaantani cadowga wax ku sheeganayso, cadowguna inkirsan yahay sheegashadaas?.

Beryahan dambe waxa aad loo hadal hayaa in cadowga Xabashida iyo Keenyaatiguba ay qorshaynayaan in kuwa dabadhilifka ah, magaca dawladeena lagu tilmaamo ay ka dhaadhicinayaan in calanka Soomaalida astaantiisa wax laga beddelo, iyaga oo ku qancinaya in kii Xabashida ay wax ka beddeleen jabhaddii Tigreegu markii ay dalka qabsatay horraantii 1990kii, iyada oo la rumeysan yahay in ay xalaalaysanayso qaybo dhulka Soomaaliyeed ka mid ah. Dad badan oo aan rumeysnahay in ay aqoon sheeganayaan ayaa qaba in dhibka Soomaalida haystaaba uu yahay calanka xiddigta leh, waayo waxa ay ku doodayaan waxa uu noo soo jiidayaa dagaal aynaan ka bixin iyo dalalka deriska ah oo mar walba colaad noo qaba maaddaama aan dhul ku sheeganayno. Dadkaasi ma aha kuwo taariikhda iyo sooyaalka dunida la socda, dagaalladuna kuma abuurmaan oo keliya dhulal lagu muransan yahay ee dagaallada waxa dhaliya sababo badan oo dhulalka lagu muransan yahay ka sal ballaaran.

Mase og tihiin in dad badani ay maanta shanta (5) Soomaaliyeed u yaqaan maamullada dabageliska ah ee laga sameeyey Koonfurta Soomaalida, laga soo bilaabo kan Waqooyi Bari (Puntland) ilaa kan Jubbada Hoose oo dhamaantoodba ay Xabashidu dhistay ama ku lug leedahay, xataa dadkaasi waxa ay hilmaansan yihiin maamulka ka jira Waqooyiga Soomaalida (Somaliland), taasina waxa ay meesha ka saareysaa hammigii iyo riyadii laga qabay shantii Soomaaliyeed oo laba kamid ah uu weli cadow haysto, midna gumeysigii haystay uu magacii oo keliya ka beddelay, laakiin aan weli dhul xor ah lagu tilmaami karin, waana Jabuuti.

Warku yaanu ila tegine waxa aan qoraalkan gaaban ku soo xirayaa in cid kasta oo calanka iyo xiddigtiisaba aad u aaminsanayd, una arkaysay lama taabtaan aysan arrintaasi sii jiri doonin, cadowgiina uu iyada baabi’in ku hayo, taas oo muujinaysa cid walba oo tanaasul ka samaysay dhulalka gaalada xabashida iyo Keenyatiguba haysto ee dadka Muslimiinta Soomaaliyeed deggan yihiin ay raalli ka tahay in calankan buluugga ah, oo aan aaminsanahay in awalba aysan jirin sababta na loogu sameeyey iyo cidda noo keentay, uu meesha ka baxo, rumee ama ha rumeysan, waayo haddii uu u taagnaa ilaalinta shanta Soomaaliyeed, taasi maanta ma muuqato oo shantii ayaa la illaaway, cadowna loo daayey, dadkiina waxa lagu mashquuliyey kuwii iyaga xoreynayey, oo cadawga dalka ka hortaagnaa.

 

وآخر دعوانا أَنِ الحمد لله رب العالمين

Wa Billahi Towfiiq

Suldaan Maxamed Suldaan Garyare (Abu-Cabduraxmaan)

 

Related Items