Dhageyso:Sheekh Cali Dheere oo Shir Jaraa'id Ku Faah Faahiyay Weerarkii Madaxtooyo.

Wednesday July 09, 2014 - 13:57:31 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 2.0/5 Stars) Total Votes: 2
  • 5 2
  • Share via Social Media

    Dhageyso:Sheekh Cali Dheere oo Shir Jaraa'id Ku Faah Faahiyay Weerarkii Madaxtooyo.

    Shir Jaraa'id oo uu goordhaw qabtay Sheekh Cali Maxamuud Raage Sheekh Cali dheere ayuu ku faah faahiyay howlgalkii ciidanka Shabaabul Mujaahidiin ay xalay ka fuliyeen madaxtooyada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shir Jaraa'id oo uu goordhaw qabtay Sheekh Cali Maxamuud Raage Sheekh Cali dheere ayuu ku faah faahiyay howlgalkii ciidanka Shabaabul Mujaahidiin ay xalay ka fuliyeen madaxtooyada.

Afhayeenka xarakada Al Shabaab wuxuu sheegay in ciidanka mujaahidiinta ay gudaha ugaleen dhismayaasha madaxtooyada ayna laayeen askar iyo saraakiil isugu jira Soomaali iyo AMISOM.

Sheekh Cali dheere wuxuu xaqiijiyay in ciidamadoodu gudaha ugaleen dhismayaasha muhiimka ah ee Villa Somalia halkaasi oo ay ku gumaadeen askar iyo saraakiil,wuxuu soo hadal qaaday qaabkii uu u dhacay weerarkii madaxtooyada.

Mar uu soo hadal qaaday raggii weerarka fuliyay ayuu sheegay in ciidamada qaarkood ay soo laabteen iyagoo bad qaba halka kuwa kalane ay shahiideen "Ciidamada Mujaahidiin qaarkood iyagoo badqaba ayay dib ugusoo laabteen xarumahooda halka kuwa kale ay shahiideen"ayuu yiri Sheekh Cali dheere.


Xarakada Al Shabaab waxay ku hanjabtay weeraro ka xanuunbadan kuwii madaxtooyada ka dhacay iyadoona madaxda DF-ka ugu baaqday in ay ka towbadkeenaan lashaqeynta shisheeyaha gumeystaha ah ee soomaaliya kusoo duulay.

Halkan ka degso shirka Jaraa'id ee Sheekh Cali dheere MP3



Related Items