Akhriso:Gabayga Saban By Xaaji Max'med Rashiid Aw Macalim.

Monday June 09, 2014 - 03:34:55 in Maqaalllo by Super Admin
  • Visits: 1474
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 5
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Akhriso:Gabayga Saban By Xaaji Max'med Rashiid Aw Macalim.

    Anigoo ah nin kasoo jeeda wadanka soomaalidu ula baxday Soomaaligalbeed ayaan shacabka soomaaliyeed usoo gudbinayaa gabaygan guubaabad xambaarsan oo soomaalida

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Anigoo ah nin kasoo jeeda wadanka soomaalidu ula baxday Soomaaligalbeed ayaan shacabka soomaaliyeed usoo gudbinayaa gabaygan guubaabad xambaarsan oo soomaalida Anigoo ah nin kasoo jeeda wadanka soomaalidu ula baxday Soomaaligalbeed ayaan shacabka soomaaliyeed usoo gudbinayaa gabaygan guubaabad xambaarsan oo soomaalida Fariin u ah inay Dalkooda , Diintooda iyo Dadkoodaba ka difaacdaan cadowga saamo la luudka ah ee Xabashida.

Maah maah soomaaliyeed ayaa ah- Damiin farweynbaa wax loogu qoraa, waayahee idiinku qornee wax fahma.


1-DUNIDAY XASARAD TAAGANTAHAY XAADIR LOO YAHAYE

2-SOMALIDA INBAA GUMEYSTAHA XAGII, UXUSUL DUUBTAAYE
3-WAA SABAN NINKII XAASID AHI XABASHI KEENAAYE
4-WAA SABAN DUQEYDII XABSIGA LAGU XAREEYAAYE
5-WAA SABAN XIQDIGU XOOG BATIYO XAASID QUUTUHUYE
6-WAA SABAN XINJIRO BOODAYIYO XANAFI JOOGTAAYE
7-WAA SABAN XAABLUHU BATEEN OO LA IS XASUUQAAYE
8-WAA SABAN NINKII XIKMAD LAHAA LAGU XANAAQAAYE
9-XAKAMAHA DADKAAGOOSTAYEE XAMAR GALOOFEEYAY
10-XAMDIWAAYE WAA INAA NICMADA LAGA XAYUUBSHAAYE
11-KA XISHOODA XAALKAAD TIHIIN WAA XANUUN KULULE.


12-WAA SABAN XASUUS GAAR LAHOO XAQA LA DUUGAAYE
13-WAA SABAN NINKII XOOG LAHAA XAKOWYO GOOYAAYE
14-WAA SABAN NINKII SUMCAD LAHAA SOORYO DHAAFSADAYE
15-WAA SABAN XALAASHII DANTOO BOOLIDU XIINTAAYE
16-WAA SABAN KACBADII EEBAHEEN LA XAKAMEEYAAYE
17-WAA SABAN XUJEYDII ILAAH LA XANGARUUFTAAYE
18-XAKAMAHA DADKAAGOOSTAYEE XAMAR GALOOFEEYAY
19-XAMDIWAAYE WAA INAA NICMADA LAGA XAYUUBSHAAYE

20-KA XISHOODA XAALKAAD TIHIIN WAA XANUUN KULULE.

21-WAA SABAN NINKII XARAF YAQAAN XEELAD KU QASAAYE
22-WAA SABAN DHULKII XAALUFOO LAGU XAJIIMOONE
23-WAA SABAN XUQUUQAHA GOD DHEER LAGU XASEEYAAYE
24-WAA SABAN DULMIGA XOOLAYOW LAGU XAREYSTAAYE
25WAA SABAN XUMAANTII LAYIDHI XEELAD BAAD TAHAYE
26-WAA SABAN RUNTII IYO XAQII LAGA XISHOODAAYE
27-XAKAMAHA DADKAAGOOSTAYEE XAMAR GALOOFEEYAY
28-XAMDIWAAYE WAA INAA NICMADA LAGA XAYUUBSHAAYE
29-KA XISHOODA XAALKAAD TIHIIN WAA XANUUN KULULE.

30-WAA SABAN QUR'AAN XAAFIDKII XABIS LA GEEYAAYE
31-WAA SABAN XALIIMIYO MARYAMA KUFRIGU XOOGAAYE
32-WAA SABAN NINKIIXUBI KUFSADA LAGU XISHMEEYAAYE
33-WAA SABAN XUMAAN IYO SAMAAN SAXAN WADAAGAANE
34-WAA SABANNINKII SAAXIR NOQON LAGU XURMEEYAAYE
35-XARBIGAY AXMARADU TAQAAN LAGU XANUUNSHAAYE
36-XEEBAHA DALKIINAY RABAAN INAY KU XAARAANE
37-XERYAHOODA WAA INAAD GASHAAN KUNA XASUUQDAANE
38-XAKAMAHA DADKAAGOOSTAYEE XAMAR GALOOFEEYAY
39-XAMDIWAAYE WAA INAA NICMADA LAGA XAYUUBSHAAYE

40-KA XISHOODA XAALKAAD TIHIIN WAA XANUUN KULULE

41-NIMAN,YAHOWMAGICII SOMALIYEED SILIC KUNOOLAAYE

42-BADAHAY SABEEYAANBADHKOOD UBAXII SIIFNAAYE
43-QOXOOTIGU SIDIIBUU U YAHAY DARIN LA SEEXDAAYE
44-WAA SABAN DUNIDU SAAQANTAHAY OO LA SALALAAYE
45-SALLADII WATAA MEESHA SUDHAN SANIYO DHEERAADE
46-SIDAASOY TAHAA DALKII SUBAG LAJIIFAAYE
47-SEETADA DADKAA LAGA FUREE XAMAR SABOOLEEYAY
48-SAKALADA INAY SII GALAAN WAA SIDAY TAHAYE


49-SIYAASIGU DHANKIISU QASAA SUNIYO WAABAY'E
50-JEEBKUU SALAAXAA KUFRINA DABA SAQLEEYAAYE
51-NIN WALIBA SAFIIR BUU RABAA INAA LASIYAAYE
52-WAA SABAN XILDOONKII WADANI 'ADIS' UXEEBTAAYE
53-SEETADA DADKAA LAGA FUREE XAMAR SABOOLEEYAY
54-SAKALADA INAY SII GALAAN WAA SIDAY TAHAYE


55-WAA SABAN CADAAWIHII LAYIDHI SAAXIIB TAHAYEE
56-XAALADUSIDAY MAANTA TAHAY YAA SIFAYN KARA'E?
57-SIRIHII DALKIINAA RAG KALE SARIF U QAATAAYE
58-AXMAAR SUUDHLE WAA INAAD XAMAR KA SAARTAANE
59-SAYIDKII SIDIISII WAA INAAD WARMO KU SAYDHAANE
60-SEETADA DADKAA LAGA FUREE XAMAR SABOOLEEYAY
61-SAKALADA INAY SII GALAAN WAA SIDAY TAHAYE


62-WAA SABAN SALAANTII ISLAAM LA ISLA SEEGAAYE
63-WAA SABAN SALAADII ILAAH LA ISKU HAYSTAAYE
64-WAA SABAN SUJUUD IYO RUKUUC SAWIRKU QAADAAYE
65-WAA SABAN SAFKII SUBANAHA LAGA SIMBIIDHAAYE
66-WAA SABAN NINKII SABIR LAHAA LAGU DUL SEEXDAAYE
67-SEETADA DADKAA LAGA FUREE XAMAR SABOOLEEYAY
68-SAKALADA INAY SII GALAAN WAA SIDAY TAHAYEE

Halkan ka dhageyso Gabayga oo Maqal ah MP3


Waa codkii iyo Qalinkii

XaajiM/rashiid Aw Macalim

[email protected]

Related Items