Sawirro+Warbixin: Dalxiis iyo Caano Doonasho iyo Weriye C/llaahi Soomaali.

Sunday November 29, 2015 - 15:56:59 in Wararka by
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 2 0
  • Share via Social Media

    Sawirro+Warbixin: Dalxiis iyo Caano Doonasho iyo Weriye C/llaahi Soomaali.

    Dadka Soomaalida ee Magaalooyinka ku raagay waxay jecelyihiin in ay xilli roobaadka u daawasho tagaan dhulka doogga leh ee duunyadu daaqeyso, laakiin badankood uma suura gasho in yar mooyaane.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dadka Soomaalida ee Magaalooyinka ku raagay waxay jecelyihiin in ay xilli roobaadka u daawasho tagaan dhulka doogga leh ee duunyadu daaqeyso, laakiin badankood uma suura gasho in yar mooyaane.



Qaar ayaaba jooga dhulal gaalo waxaanay door bidaan in ay tagaan xeryaha xayawaaanaadka nasiib darada haysatase waxay tahay iyadoo indhahoodu mararka qaar ay qabtaan khansiir amaba doofaarka.

hadda waxaa lagu jiraa xilliga deyrta Soomaaliyana si waanagsan ayay kaga aarantay amaba uga da’da’ay.

jiilaalkii ayaa dhabarka jeediyay nimco hor leh ayaana dacalka lala galay bulshaduna waa mid beerteeda falaneysa iyo mid barteeda dhaqaneysa.



Meelo badan ayay adag tahay in la haweysto in lagu lugeeyo baabuurna warkii mar hore ayaa u dambeysay maxaa yeelay roobka oo saa’id uga da’ay ayaa jidadka iyo geedaha hoostoodaba biyo dhigay.

Wariyaha Idaacadda Islaamiga ah ee AlfurqaanCabdulaahi Soomaaliayaa safar lug ah waxa uu ku tegay deegaan ka tirsan Gobalka jubada Dhexe asigoo cagta dhigay halka geelu daaqayo.

warbixintaan ayuu ka diyaariyay taasoo uu ciwaan uga dhigay Dalxiis iyo Caano doonasho.

HALKAN KA DHAGEYSO WARBIXINTA MP3

123456789101112131415171819202122232425
Xigasho:idaacadda Alfurqaan


Related Items