Maamulka Jowhar Oo Beeniyay in Haweenka laga Mamnuucay Xirashada Indha Shareerka.

Saturday December 26, 2015 - 16:58:18 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Jowhar Oo Beeniyay in Haweenka laga Mamnuucay Xirashada Indha Shareerka.

    Maamulka Dowladda Federaalka ee gobolka shabeelaha dhexe ayaa sheegay in aysan mamnuucin niqaabka ama indha shareerka ay xirtaan haweenka muslimaadka ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka Dowladda Federaalka ee gobolka shabeelaha dhexe ayaa sheegay in aysan mamnuucin niqaabka ama indha shareerka ay xirtaan haweenka muslimaadka ah.



Khamiistii lasoo dhaafay sarkaal katirsan xafiiska warfaafinta maamulka magaalada Jowhar ayaa warbaahinta u sheegay in Jowhar laga mamnuucay indha shareerka islamarkaana tallaab laga qaadi doono haweenaydii lagu helo iyadoo xiran indha shareer.

Abuukar Cali Maqaney oo ku magacaaban guddoomiye ku xigaanka shabeelaha dhexe ayaa warbaahinta u sheegay in Jowhar iyo deegaanada kale ee gobolka laga qaadan karo indha shareerka.



Wuxuu sheegay in uusan jirin go’aan rasmi ah oo maamulkooda kasoo baxay isagoo ku goodiyay in ay tallaab ka qaadi doonaan sarkaalkii warbaahinta ka sheegay mamnuucista indha shareerka.

"Waxaa dadweynaha Gobolka Shabeellaha Dhexe uga cudur daarayaa hadalka ka soo yeeray Agaasimaha Warfaafinta ee ah in la mamnuucay indha shareerka, arrintaas waa waxba kama jiraan, ma ahan go’aan uu qaatay maamulka, waxayna aheyd arrin qalad ah”ayuu yiri Maqanay.

Warkan kasoo yeeray maamulka dabadhilifka ah ee shabeelaha dhexe kajira ayaa imaanaya xilli magaalooyinka Kismaayo iyo Baydhabo horay looga mamnuucay xirashada indha shareerka.

Maamullada cadawga la shaqeeya ee taageersan dowladda Federaalka ayaa caan ku ah diin ladirir iyadoo cadaadis dhan walba ah ku haya dadka muslimiinta gaar ahaan haweenka oo ay u diidaan xirashada xijaabka sharciga ah iyo indha shareerka.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items