Dowladda Imaaraadka Carabta oo Sheegtay in Itoobiya ay Taageerayso la dagaalanka Xarakada Al Shabaab.

Thursday January 21, 2016 - 09:40:42 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Imaaraadka Carabta oo Sheegtay in Itoobiya ay Taageerayso la dagaalanka Xarakada Al Shabaab.

    Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa sare u qaadday dardar gelinta dagaalka ay kula jirto islaamka iyo muslimiinta,Imaaraadka oo ah dowladda kaliya ee 25 sanadood Mareykanka ku barbar taagan la dagaalanka waxa loogu yeero Argagaxisada ayaa isku dayaysa i

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa sare u qaadday dardar gelinta dagaalka ay kula jirto islaamka iyo muslimiinta,Imaaraadka oo ah dowladda kaliya ee 25 sanadood Mareykanka ku barbar taagan la dagaalanka waxa loogu yeero Argagaxisada ayaa isku dayaysa in Itoobiya iyo xulufadeeda ay kala shaqeyso dagaalka ka dhanka ah muslimiinta soomaaliyeed.

Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya magaalada Muqdisho ayaa sheegay in sanadda 2016 inta lagu guda jiro ay dowladda Imaaraadka ay taageero dhaqaale iyo mid farsamo ay siin doonto quwadaha shisheeye ee ku sugan soomaaliya si ay ula dagaalamaan waxa loogu yeero Argagaxisada oo loola jeedo mujaahidiinta.

Isagoo ka qeyb gelayay munaasabad tababar loogusoo xirayay maleeshiyaadka Apha Group ayuu sheegay in UAE ay taageerayso sidii loo cirib tiri lahaa ‘Argagaxisada’.


Safiirka Imaaraadka Carabta ee Mareykanka Yusuf Alcuteybah ayaa horay u sheegay in dowladda Imaaraadka ay ku biirtay isbahaysiga ka dhanka ah shabaabul Mujaahidiin.

UAE ayaa 12 sanadood ka dagaallamaysay wadanka Afghanistan hadane waxay qeyb ka tahay isbahaysiga 60-ka dowladood ka koobanyihiin ee duqeymaha ka wada wadamada Ciraaq iyo Suuriya.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items