Sawirro: Kenya Oo Qaaday Weerar Culus Oo Aar goosi Ah!!.

Sunday January 24, 2016 - 09:42:38 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Sawirro: Kenya Oo Qaaday Weerar Culus Oo Aar goosi Ah!!.

    Ciidamada cirka ee dowladda Kenya ayaa hir galiyay ballan qaadkii madaxweyne Uhur ee ahaa, iney dowladdiisu u aari doonto in ka badan 100 askari oo ay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab uga dishay degaanka Ceel-cadde ee gobolka Gedo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada cirka ee dowladda Kenya ayaa hir galiyay ballan qaadkii madaxweyne Uhur ee ahaa, iney dowladdiisu u aari doonto in ka badan 100 askari oo ay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab uga dishay degaanka Ceel-cadde ee gobolka Gedo.



Dayuuradaha Kenya ayaa duqeeyay tuulooyin dhowr ah oo hoos yimaada Gedo iyo Jubooyinka halkasoo ay dad iyo xoolaba ku dileen.

Khasaaraha ugu badan ee ay Geysteen waa iney dadka reer miyiga ah ku khasbeen iney barakacaan, xilli kuleyl iyo jiilaal lagu guda jiro.

Dhacdooyinka ugu yaabka badan ee la xiriira aar goosigooda ayaa waxaa kamid ah weerar ay ku qaadeen xeyn Ari ah iyo ninkii sitay dhul miyi ah oo hoos yimaada degmada Bu’aale.



Sida aad sawirada ka dheehan kartaan waxay dileen inta badan Arigii, iyadoo Allaah duqeymahaasi ka badbaadiyay ninkii xoolaha lahaa.

Saacado kadib duqeyntan waxay dowladda Kenya sheegtay iney dishay saraakiil ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab!!.

Madaxweynaha DF wuxuu u tacsiyeeyay dowladda Kenya markii ciidamadooda lagu gumaaday degaanka Ceel-cadde, laakin illaa iyo hadda kama hadlin tacadigan ay Kenya u geysanayso shacabka Soomaaliyeed iyo xoolohooda.

Hoos Ka Daawo Sawirada Duqeynta.

ari 1ari 2ari 3ari 4ari 5ari 6ari 7ari 8ari 9Ari 10ari 11ari 12

 

Xigasho: Radio Alfurqaan

Related Items