Uhuru Kenyatta:Israa'iil Waxay Naga Taageeraysaa Dagaalka aan Kula Jirno Argagaxisada Al Shabaab (Sawirro).

Friday February 26, 2016 - 11:21:54 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 1
  • Share via Social Media

    Uhuru Kenyatta:Israa'iil Waxay Naga Taageeraysaa Dagaalka aan Kula Jirno Argagaxisada Al Shabaab (Sawirro).

    Xilli dowlada Kenya ay la barooranayso jabkii weynaa ee kasoo gaaray dagaalkii taariikhiga ahaa ee Ceel-cadde ayay madaxda wadankaasi kaalma weydiisteen Yahuudda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xilli dowlada Kenya ay la barooranayso jabkii weynaa ee kasoo gaaray dagaalkii taariikhiga ahaa ee Ceel-cadde ayay madaxda wadankaasi kaalma weydiisteen Yahuudda.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa booqasho degdeg ah ku tegay magaalada Talaabiib ee caasimadda u ah maamulka Yahuudda’Israa’iil”,socdaalka Uhuru ayaa ah mid ku qotomay kaalma weydiisasho.

Kulan magaalada Al-Qudus ku dhaxmaray R/wasaaraha Yahuudda Benyamiin Netenyaahu iyo Uhuru Kenyatta ayay uga wada hadleen xaaladaha ammaanka iyo dhaqaalaha.

Shir Jaraa’id oo labada dhinac wada qabteen ayay ku sheegeen in ay iska kaashan doonaan la dagaalanka waxa loogu yeero Argagaxisada gaar ahaan xarakada Shabaabul Mujaahidiin.


Uhuru Kenyatta ayaa ugu horrayan sheegay in ‘Israa’iil’ ay ka codsanayaan taageero dhan walba ah gaar ahaan la dagaalanka Argagaxisada iyo horumarinta Tignoolajiyadda.


Wasiirka qorshaynta maamulka Yahuudda ayaa wargeyska Al-Macaarif u sheegay in ‘Israa’iil’ ay sedax dowladood oo dhaca bariga Afrika ka taageeri doono la dagaalanka Argagaxisada waxayna dowladahaasi kala yihiin Itoobiya,Uganda iyo Kenya.

"Dagaalka aan kula jirno Argagaxisada waa mid caalami ah sidaasi daraadeed ayaan dowladda Israa’iil ka codsanay in ay Kenya ka gacan siiso la dagaalanka Xagjirayaasha halista ah”ayuu yiri Uhuro Kenyatta.

Dhinaca kale Hoggaamiyaha dabadhilifka Kenya ayaa isagoo taageero dheeri ah ka raadsanayay Yahuudda wuxuu caay iyo ihaano ujeediyay dalkiisa.
Uhu Kenyatta wuxuu dadkiisa ku tilmaamay Burcad daran oo aan la aamini Karin "Muwaadiniinta wadankeyga waa burcad daran oo ku xeel-dheer xatooyo iyo musuq maasuq”ayuu yiri Kenya.

Xarakada Al Shabaab soomaaliya kula dagaalamaysa boqolaal kun ciidamo Afrikaan ah kuwaasi oo ka kooban isbahaysi afrikaan,carab iyo reer galbeed ay ku midaysanyihiin.

Related Items