Kenya Oo Sheegtay in 'Israa'iil' Ay U Kaanshan doonto la dagaalanka Xarakada Al Shabaab Ee Soomaaliya.

Monday March 07, 2016 - 18:18:30 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Kenya Oo Sheegtay in 'Israa'iil' Ay U Kaanshan doonto la dagaalanka Xarakada Al Shabaab Ee Soomaaliya.

    Tan iyo wixii ka dambeeyay bishii October sanaddii 2011 markii ay dowladda Kenya iclaamisay duuleenkeeda dalka soomaaliya ee dhaca geeska qaaradda afrika ayay dowladdaasi wajahaysi halis dhanka ammaanka ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxda Kenya ayaa booqday dhulka Yahuudda ee gumeysiga kujira
Tan iyo wixii ka dambeeyay bishii October sanaddii 2011 markii ay dowladda Kenya iclaamisay duuleenkeeda dalka soomaaliya ee dhaca geeska qaaradda afrika ayay dowladdaasi wajahaysi halis dhanka ammaanka ah.



Dowladda Kenya oo ladhiban weerarada uga imaanaya mujaahidiinta soomaaliya ayay raadinaysaa isbahaysiyo hor leh si ay xal ugu hesho weerarada joogtada noqday ee ciidamada xarakada Shabaabul Mujaahidiin ka fuliyaan halbowlayaasha dhaqaalaha iyo waxbarashada Kenya.

Madaxweynaha Kenya Uhuro Kenyatta ayaa socdaal uu bishii lasoo dhaafay ku tagay magaalada Talabiib ee xarunta maamulka Yahuudda waxaa kasoo baxaya warar kala duwan.



Ujeedka socdaalka ayaa ahaa in Kenya ay Yahuudda lasameysato isbahaysi ashahaadda ladirir ah oo ka dhan ah xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

Warbaahinta Yahuudda ayaa warbixino kala duwan ka qoray xiriirka ka dhaxeeya waxa loogu yeero Israa’iil oo ah Yahuudda iyo Kenya,wargeys ha’aartiz ee afka cibriga ku hadla ayaa sheegay in Kenya ay ballanqaadyo taageero ah ka heshay Benyamin Netenyaahu.

Wasiiradda arrimaha dibadda Kenya haweenyada lagu magacaabo Aamina Maxamed ayaa wargeyska Yahuudda ee Mekor Rishon u sheegtay in cilaaqaadka dhanka amniga ah ee ka dhaxeeya Israa’iil iyo Kenya uu gaaray meeshii ugu sarraysay.



Wariyaha Wargeyska Yahuudiga lagu magacaabo Aarthiil Kahaana oo katirsan xisbiga Midigta ayaa sheegay in Kenya ay si rasmi ah Maamulka Yahuudda uga codsatay in laga taageero dagaalka lagula jiro shabaabul Mujaahidiin oo uu isagu argagaxiso ku tilmaamay.

"Israa’iil cilaaqaad wanaagsan ayay la leedahay dowladdaha afrika heer qaar katirsan dowladaha Ururka Midowga Afrika ay soo jeediyeen in ay xubin ka noqoto ururka balse kor joogto ayay ka tahay”ayuu yiri wariyaha Yahuudiga ah.

Ururka Midowga Afrika ee Yahuuddu kor joogtada ka tahay ayaa kumanaan askari udiray gudaha soomaaliya halkaasi oo ay kula dagaalamayaan Al Shabaab.

Saxaafadda Yahuudu waxay sheegtay in Kenya oo khasaarooyin isdaba joog ah kala kulantay weerarada uga imaanaya xarakada Al Shabaab ay hadda isku dayayso in ay kasoo kabsato khasaaraha gaaray islamarkaana ay Yahuuda ugacan haatisay.

"weerarada ka imaanaya xagjirayaasha hubeysan waa kuwa isisoo taraya labada dowladood ee Israa’iil iyo Kenya waxay isla garteen in si wada jir ah looga hortago khatartaas” sidaasi waxaa tiri wasiiradda arrimaha dibadda Kenya oo qudheedu booqatay dhulka Yahuuddu xoogga ku heysato.

Kenya waxay sheegtay in weeraradii ka kala dhacay Webstgate ee Nairobi iyo Jaamacadda Garisa aysan xamili karin sidaasi daraadeed ay Yahuudda taagaara weydiisatay.

Sida lafilayo israa’iil ayaa Kenya ka caawin doonta is dhaafsiga macluumaadka,tababaridda ciidamada sirdoonka iyo qalab casri ah oo ay siin doonto si ay uyarayso weerarada kaga imaanaya shabaabul Mujaahidiin.

Mar wargeyska Mekor Rishon ee Yahuudda laga leeyahay uu su’aalo weydiiyay wasiiradda arrimaha dibadda ayay dhaleecaysay dowladda Federaalka soomaaliya oo ay ku sifaysay dowlad fashilantay islamarkaana aan awoodin in ay ka baajiso weerarada dhanka mujaahidiinta ka imaanaya.

R/wasaaraha Yahuudda Netenyahu ayaa bilaha soo socda booqasho ku tagi doono dowlado dhaca bariga afrika sida itoobiya,kenya iyo uganda waxayna Yahuuddu iclaamin doontaa iskaashi ka dhan ah mujaahidiinta oo dhaxmaray dowladaha mandiqada iyo Yahuudda.

Tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay dhacday macrakadii ceel-cadde ee ciidamada Kenyaanka ah lagu laayay ayay xukuumadda Nairobi sare u qaaday xulufo uraadsashada duulaankeeda soomaaliya.

Xigasho:Al-Jazeera

Related Items