Xasan Sheekh Oo Marxabeeyay Dhiigya-Cab-ka Cabdi Fataax Alsiisi iyo Islaaxa Soomaaliya oo Cambaareeyay.

Monday June 09, 2014 - 16:54:24 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xasan Sheekh Oo Marxabeeyay Dhiigya-Cab-ka Cabdi Fataax Alsiisi iyo Islaaxa Soomaaliya oo Cambaareeyay.

    Hoggaamiyaha dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muujiyay taageerada baaxadda leh ee uu u hayo xasuuqii ka dhacay magaalooyinka wadanka Masar.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoggaamiyaha dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muujiyay taageerada baaxadda leh ee uu u hayo xasuuqii ka dhacay magaalooyinka wadanka Masar.

Hoggaamiyaha dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muujiyay taageerada baaxadda leh ee uu u hayo xasuuqii ka dhacay magaalooyinka wadanka Masar.

Maamulka dabadhilifka ah ee kajira magaalada Muqdisho ayaa hambalyo iyo bogaadin ujeediyay inqilaabkii Melleteri ee ay ku dhaqaaqeen saraakiisha ciidanka Masar.

Cabdi Fataax Alsiisi oo isku magacaabay madaxweynaha Masar kadib markii uu xilka ka tuuray Max’med Mursi ayaa kumanaan shacab Muslimiin ah ku xasuuqay magaalooyinka Al Qaahira iyo Alaskandariyah.



Xafladdii caleema saarka aheyd ee shalay ka dhacday magaalada Alqaahira ka qeyb galkeeda waxaa ka xishooday intabadan badan hoggaamiyaasha wadamada carabta iyo kuwa reer galbeedka marka laga reebo Imaaraadka Carabta,Kuwait Sacuudiga oo dhammaantoodba dhaqaale ku bixiyay inqilaabka Masar iyo rididda Ikhwaanul Muslimiin.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku indha dararay casuumaadda uga timid dhanka Masar isagoona si kafiirsasha la’aan ah uga qeyb galay caleema saarkii alsiisi.

Ururka Al Islaax faraciisa soomaaliya ayaa bayaan ay soo saaree ku cambaareeyay ka qeybgalka Garguurte ee caleema saarka Alsiisi.

Al Islaax waxay sheegeen in khalad weyn ay tahay in qof mas’uul soomaaliyeed sheeganaya uu bogaadiyo gacan ku dhiigle dad badan xasuuqay.

"Shacabka Soomaaliyeed waa shacab jecel xorriyada, isla markaana neceb dulmiga, kalitaliska, xukun-maroorsiga iyo in dhiig loo daadiyo kursi dartiis. Shacabka Soomaaliyeed iyo shacabka Masar waa laba shacab oo walaalo ah, lehna xiriir qoto-dheer oo taariikhi ah kuna dhisan iskaashi iyo isu-hiillin”ayaa lagu yiri bayaanka.

Xarakada Al Islaax waxay si kulul u cambaareysay Xasan Sheekh oo si aan gambasha laheyn ula saftay inqilaabiyiinta Masar islamarkaana bogaadiyay kuwii shacabka muslimiinta ah ku xasuuqay fagaaraha Raabacatal Cadawiyah.

"Haddaba, Xarakada Islaax ee Soomaaliya waxay canbaaraynaysaa ka qayb-galka aan laga fiirsan ee madaxweyne Xasan Sheekh uu kaga qayb-galay is-caleemo saarkii C/fataax Al-Siisi oo talada Masar kula wareegay af-genbi iyo xasuuq uu u geystay kumanaan qof "ayaa bayaanka al islaax lasii raaciyay.

Hoggaamiyahaasha Dowladda Federaalka ayaa ah dabadhilifyo ay ku adeegtaan shisheeyaha duullaanka kusoo qaaday shacabka soomaaliyeed.


Related Items