Daawo:Filimkii Xassan Xanafi Xaaji oo Xaqiiqdiisa la kashifay (Video).

Monday March 28, 2016 - 19:50:59 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 10204
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 0
  • Share via Social Media

    Daawo:Filimkii Xassan Xanafi Xaaji oo Xaqiiqdiisa la kashifay (Video).

    Koox isku magacowday "Journalists For Justice" [Saxafiyyiin U taagan Cadaaladda] ayaa Internet-ka ku baahisay Muuqaal Video ah oo ay sheegeen iney ku soo bandhigayaan qisada xaqiiqda ah ee Filimkii dhawaan laga soo duubay Xassan Xanafi Xaaj

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Koox isku magacowday "Journalists For Justice" [Saxafiyyiin U taagan Cadaaladda] ayaa Internet-ka ku baahisay Muuqaal Video ah oo ay sheegeen iney ku soo bandhigayaan qisada xaqiiqda ah ee Filimkii dhawaan laga soo duubay Xassan Xanafi Xaaji oo ku jira gacanta DF-ka.



Kooxdan oo magaceeda loo soo gaabiyo "J4J” ayaa ku sheegtay hordhaca Video-ga in Dawladda Federaalka oo kaashaneysa sirdoonnada Mareykanka ay maxaabiista kula kacaan jirdillo fool xun, ka dibna ay ka soo saaraan qiraal ay ku maxkamadeeyaan dhibanaha.

"Ka dib baaritaano la sameeyay, J4J waxey heshay caddeymo si buuxda la isugu halleyn karo oo muujinaya in DF-ka oo gacan ka heleysa Saraakiisha Sirdoonka Mareykanka ee Muqdisho ay badanaa habab tacaddi iyo jirdil leh u maraan Su’aalo Weydiinta Maxaabiista, sida Ceegida iyo biyo ku harqinta” ayaa lagu yiri Filimka.



J4J ayaa sheegeysa in qiraalka xoogga looga keeno maxaabiista ay dhacdo in loo adeegsado caddeymo lagula tiigsado Maxkamad, oo ka dibna xilliyada qaar dil toogasho ah lagula xukumo.

Kooxda ayaa intaas ku dartay in Muuqaalka ay soo bandhigeyso uu yahay xog uruurin ay gacan ka siiyeen xubno aysan magacaabin oo ka tirsan DF-ka iyadoona uu ka hadlayo cajaladda Xassan Xanafi Xaaji oo beeninaya dhamaan waxyaabihii uu ku sheegay Filimkii ay ka soo gudbiyeen warbaahinada ku hadla afka DF-ka.

Xanafi oo u hadlaya si deggan, cod nadiif ahna laga maqlayo ayaa ka sheekeyay qaabkii uu ugu gacan galay sirdoonka Kenya ee ku qabtay magaalada Nairobi, halka Dawladda Federaalka ay sheeganeyso in sirdoonkoodu uu Xanafi ka soo qabtay Xuduudaha Kenya iyo Soomaaliya.

Cajaladdan ayaa ah midda Koowaad ee qeyb ahaan 3 cajaladood oo kooxda J4J ay sheegtay iney baahin doonto, kuna soo gudbin doonto macluumaad xassaasi ah.

Hoos ka daawo Muuqaalka Video-ga.



Related Items