Daawo Qeybtii 2aad – Filimkii Xasan Xanafi Xaaji Oo Xaqiiqdiisa La Kashifay (VIDEO)

Tuesday March 29, 2016 - 20:19:52 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 11796
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 7 0
  • Share via Social Media

    Daawo Qeybtii 2aad – Filimkii Xasan Xanafi Xaaji Oo Xaqiiqdiisa La Kashifay (VIDEO)

    Kooxda Justice For Journalists (J4J) ayaa caawa baahisay qeybtii 2aad ee barnaamijyada taxanaha ah ee ay ka diyaarisay "Qisada Xaqiiqada ah ee Xasan Xanafi" Waxayna Vide-gan cusub ku soo bandhigtay macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan qaabk

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda Justice For Journalists (J4J) ayaa caawa baahisay qeybtii 2aad ee barnaamijyada taxanaha ah ee ay ka diyaarisay "Qisada Xaqiiqada ah ee Xasan Xanafi" Waxayna Vide-gan cusub ku soo bandhigtay macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan qaabkii loo jirdilay Xasan Xanafi Xaaji iyo sida loogu qanciyey in uu ka soo muuqdo TV-ga DF, ka dibna uu qirto inta badan dambiyadii lagu soo oogay.

Xasan Xanafi oo ka soo muuqanaya Video-ga ayaa sheegaya in ka hor inta uusan ka soo muuqan TV-ga 'SNTV' lagu soo jirdilay Xabsiyo qarsoodi ah oo ku yaalla magaalada Muqdisho, kuwaas oo ay maamusho CIA-da Mareykanka iyo hay'adda sirdoonka Soomaaliya.

Wuxuu Tilmaamay in la mariyey talaabooyin jirdil ah oo aad u daran, ka dibna loo keenay nin uu garanayo oo lagu magacaabo Zakariye oo horay kaga tirsanaan jiray Xarakada Mujaahidiinta AlShabaab.


Xanafi ayaa sheegay in ninka la yiraahdo Zakariye (oo sidoo kale loo yaqaano Zakki) uu ku qanciyey in uu qirto dambiyada lagu soo oogay, ka dibna laga sii deyn doono xabsiga, lagana yareen doono tacdiibka sida uu sheegay.

Wuxuuna Sheegay in loo soo calaamadeeyey qodobada xasaasiga ah ee uu qiranayey.

Wuxuu sidoo kale kashifay in dood dhexmartay isaga iyo CabdiRaxmaan Al-Cadaala oo lagu soo bandhigay Filimka ay baahisay SNTV uu ahaa mid la jilay oo laga duubay isagoo maxbuus ah.

Xasan ayaa magacaabaya Saraakiil iyo mas'uuliyiin ka tirsan DF oo ku lug lahaa tacdiibka loo geystay, iyo qiraalkii lagu qasbay ee ahaa in uu laayey wariyeyaal badan.

Hay'adda J4J ayaa lagu wadaa in ay baahiso qeybtii saddexaad ee barnaamijyadan taxanaha ah ee ku saabsan Qisada xaqiiqada ah ee Xasan Xanafi, taas oo kooxdu ay kala kaashatay mas'uuliyiin ka tirsan DF.

Halkaan Ka Daawo Qeybtii 2-aad oo Xasan Xanafi uu ku kashifayo Macluumaad Muhiim ah.




Related Items