Ismaaciil Cumar Gelelle "Jabuuti Waxay Ubaahantahay Hoggaamiye Daacad ah sida aniga oo Kale".

Wednesday March 30, 2016 - 11:55:06 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ismaaciil Cumar Gelelle "Jabuuti Waxay Ubaahantahay Hoggaamiye Daacad ah sida aniga oo Kale".

    Hoggaamiyaha kaligii taliyaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa markale ku dhawaaqay in uu ka qeyb geli doono doorashooyinka madaxtinimada ee dhawaan ka dhacaya Jabuuti.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoggaamiyaha kaligii taliyaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa markale ku dhawaaqay in uu ka qeyb geli doono doorashooyinka madaxtinimada ee dhawaan ka dhacaya Jabuuti.

Ismaaciil Cumar Geele oo boqolaal qof oo xisbigiisa taageersan kula hadlay deegaanka Carta ayaa sheegay in Jabuuti ay markale u baahantahay hoggaan daacad ah islamarkaana isagu uu noqon karo shakhsiga Jabuutiyaanku u baahanyihiin!.

Geelle oo u muuqday Nin ku kalsoon in uu doorashada soo socota kusoo bixi karo sababa laxariira lacago malaayiin dollar ah oo uu heysto iyo taageero uu ka helayo reer galbeedka.

"Jabuuti xilligan adag waxay u baahantahay hoggaamiye daacad ah oo khibrad leh,haddii aan idinla kaftamo Hoggaamiyahaas wuxuu kasoo bixi karaa xisbiga UMPā€¯ayuu yir Geelle.


Axzaabta Mucaaradka Jabuuti ayaa geelle ku eedeeyay in uu kulmiyay shaqaalaha dowladda islamarkaana uballan qaaday mushaar kordhin haddii ay isaga codka siiyaan.

Jabuuti oo ah dal martigeliyay kumanaan askari Faransiis iyo Mareykan ah waxaa ka jira musuq maasuq iyo kaligii talisnimo iyadoona qoyska Madaxweynaha ay gacanta ku hayaan kaabayaasha dhaqaalaha.

Xaaska Ismaaciil Gelle ayaa maamusha shirkadda kaliya ee soo dajisa sokorta.

Faqriga ayaa daashada boqolaal kun reer Jabuuti ah waxaana muuqata in reer galbeedka oo dantooda gaarka ah ku heysta Ismaaciil Cumar Geelle ay taageerayaan xukunkiisa gaamuray.

Saabir Cadde Xasan
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items