Daawo Qeybtii 3aad ee Qisada Xaqiiqada Ah Ee Xasan Xanafi Oo La Kashifay (VIDEO+WARBIXIN).

Thursday March 31, 2016 - 20:54:10 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 13249
  • (Rating 3.3/5 Stars) Total Votes: 3
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Daawo Qeybtii 3aad ee Qisada Xaqiiqada Ah Ee Xasan Xanafi Oo La Kashifay (VIDEO+WARBIXIN).

    Inkastoo dadka Soomaalida ah ay aad uga argagaxaan xittaa iney maqlaan falka "Liwaadh" ama "Ragga oo loo tago" hadane waa dhacdooyin murugo leh oo dhexdeena ay ka geystaan sirdoonada ajaanibta ah iyo kuwa la shaqeeya ee isugu yeer

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Inkastoo dadka Soomaalida ah ay aad uga argagaxaan xittaa iney maqlaan falka "Liwaadh" ama "Ragga oo loo tago" hadane waa dhacdooyin murugo leh oo dhexdeena ay ka geystaan sirdoonada ajaanibta ah iyo kuwa la shaqeeya ee isugu yeera NISA.

Video Cusub oo mar kale uu ka hadlayo Xasan Xanafi Xaaji ayuu daaha kaga rogay hababka jirdil iyo tacaddi ee lagula kaco maxaabiista ku xiran Madaxtooyada iyo Xerada Xalane, waxaana uu adkeeyay iney tacaddiyadaas ku jiraan fal qowmu luudh-nimo in lagula kaco maxbuuska.

Xasan Xanafi ayaa sheegay in jirdillo fool xun lagula kacay si uu qiraal u sameeyo oo ugu hadlo wixii ay doonayeen kooxihii heystay, waxaana uu tilmaamay inoo arkay maxaabiista qaar oo kufsi lagula kacay.



"Waxyaabha Ilaahey iga badbaadiyay ee halkaan aan ku arkay waxaa ka mid ah in ninka ragga ah dabada looga tago, Subxaanallah, Maxaa dhiman marka” ayuu yiri Xasan Xanafi oo la yaab muujinaya.

Arrinka fadeexadda ah ayaa sidoo kale noqonaya in Xanafi uu caddeynayo waxyaabo dadku ay la yaabeen oo Filmkiisii hore ku jira sida in Sigaar uu cabo, balse hadda ayuu Video-gan ku caddeynayaa sida sheekadaas loo allifay.

Xasan Xanafi ayaa ugu danbeyn lagu qasbay inuu ku hadlo waxyaabo ay Filim ka soo sameeyeen, waxaana uu sheegay in taas ay ku qasabtay inuu dil ka door biday halkii ay isagoo nool "qaniisnimo” kula kici lahaayeen.

Waxaa sidoo kale Filimkan ka soo muuqanaya dhibanayaal kale oo ka sheekeynaya dhibaatada xabsiyada DF-ka iyo madax ka tirsan dawladda oo xaqiijinaya jiritaanka tacaddiyadaas.

Qeybtii koowaad iyo qeybtii labaad ee Video-yadan fadeexadda ah wuxu Xasan Xanafi hore ugu kashifay qaabkii Filimka looga duubay iyo codadkii ay ka duubeen oo hadane ay dadweynaha u sheegeen in laga duubay Xasan xilligii uu xuriyadiisa heystay.

Caawana wuxuu kashifayaa arimo kale oo xasaasi ah iyo waxyaabo badan oo ka qarsoonaa dadkii hawada kala socday qisadiisa.

Hoos ka daawo qeybta 3aad  ama halkan ka degso MP4





Related Items