Xasan Sheekh "Al Shabaab Way Kusii Xoogeysanaysaa Soomaaliya AMISOM-na Xeryahooda Kamasoo Baxaan" WARBIXIN

Wednesday April 13, 2016 - 08:28:15 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xasan Sheekh "Al Shabaab Way Kusii Xoogeysanaysaa Soomaaliya AMISOM-na Xeryahooda Kamasoo Baxaan" WARBIXIN

    Xilli xukuumada taagta daran ee Soomaaliya oo ay ku soo food leedahay doorashooyin madaxtinimo iyo mid baarlamaani ah ayuu hadane Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu sheegayaa in awoodda mujaahidiinta Soomaaliya ay ka xoog badan tahay sidii hore, islamarkaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xasan Sheekh ayaa noqday Madaxweynihii ugu daba dhilifsanaa ee Soomaaliya soo mara
Xilli xukuumada taagta daran ee Soomaaliya oo ay ku soo food leedahay doorashooyin madaxtinimo iyo mid baarlamaani ah ayuu hadane Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu sheegayaa in awoodda mujaahidiinta Soomaaliya ay ka xoog badan tahay sidii hore, islamarkaana ay adag tahay sida loo hor istaago qatarta xukuumadiisa kaga imaaneysa Xarakada Mujaahidiinta AlShabaab.


Wareysi uu siiyey Wargeyska Washington Post ee laga leeyahay dalka Mareykanka ayuu Xasan Sheekh Maxamuud, Hoggaamiyaha dowlada Federaalka ku sheegay in xoogaga Al-Shabaab ay dib u soo xoogeysteen, iyadoona isaga iyo Saraakiil sar-sare oo ka tirsan dowladda Federaalka somalia ay qireen in aysan awoodin in ay xasiliyaan magaalooyinka laga saaray xarakada Al Shabaab, ayna soo celiyaan adeegyadii bulshada.



Wuxuu sidoo kale qiray in dowladiisa aysan wax mushaaraad ah siinin maleeshiyaadka ciidan ahaanta ugu qoran, sidoo kalena aysan awoodin in ay u soo iibiso hub iyo agabka military ee ay u baahan yihiin, "Dowladda Soomaaliya ma awoodo in ay Mushaar ku filan siiso ciidanka, sidoo kalena ma awoodo in ay u soo iibiso agabka dagaal ee ay u baahan yihiin, marka taasi waa mushkiladda ugu weyn ee aan wajaheyno” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Xasan Gurguurte ayaa arimahaan oo idil u sababeynaya in aysan helin dhaqaale ku filan laakiin Saraakiil reergalbeed ah oo uu wargeysku soo xiganayo waxay sheegayaan in DF-ka ee taagta daran ay siiyeen dhaqaale iyo lacago ku filan balse kooxdan uu halakeeyey musuq-maasuq iyo kala qeybsanaan, islamarkaana dhaqaalaha ka yimaada reergalbeedka aanan lagu bixinin meelihii loogu talagalay.

Dowladda Mareykanka ayaa balaayiin lacago ah ku bixisay xoojinta iyo dib u dhiska maamulada Federaalka dabadhilifka ah ee uga wakiilka ah Soomaaliya, Iyadoo sidoo kalena dagaal adag oo toos ah iyo mid aan toos ahaynba la gashay Mujaahidiinta Soomaaliya balse ilaa hadda waa lagu guuleysan la’yahay ka hortagga weerarada Mujaahidiinta.

Ciidamada shisheeyaha Afrikaanta AMISOM ayaa sanadkii 2011-kii xamlo-dagaaleed culus ku qaaday magaalooyinkii ay joogeen mujaahidiinta ee koonfurta Soomaaliya, Iyadoona xamladaas ay u suuragelisay qabsashada magaalooyin iyo deegaano kala duwan balse sanadihii dambe markii isku fidiyeen gobolada dalka, waxay ciidamada shisheeye la kulmeen weeraro halis ah oo galaaftay nolosha boqolaal askari.

Weeraradii ku habsaday xeryihii ciidamada Burundi, Uganda iyo Kenya ayaa banaanka soo dhigay isbedalka ku yimid siraaca ka socda Soomaaliya ee u dhexeeya Mujaahidiinta iyo ciidamada AMISOM, waxaana taasi ay keentay in dib u eegis lagu sameeyo qorshe dagaaleedkii isbaheysigan.

"Ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaalida waxay keeb ku yuurar ku yihiin xeryahooda, howlgaladu wey yaraadeen, waana taasi waxa fursadda siiyey AlShabaab” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud oo xafiiskiisa ugu waramayey Wariye ka tirsan Washington Post.

Ninka qoray warbixintan wuxuu yiri: Calaamadaha kuu muujinaya in ay soo noqotay awoodda AlShabaab, waa kuwo maalin waliba la arkayo. "Saacado un ka hor inta aanan bilaabin wareysiga Xasan Sheekh, 05, April, waxaa magaalada Muqdisho camaliyad Iqtiyaal ah lagula beegsaday xildhibaan ka tirsan dowladda. Maalintii ka sii horeysayna laba sarkaal oo sirdoonka ka tirsan ayaa la dilay” ayuu yiri.

Warbixintan waxay sidoo kale milicsaneysaa dhinac ka mid ah tabardarada iyo habacsanaanta maleeshiyaadka DF-ka ee la doonayo in lagu wareejiyo amaanka goobaha ay ka bixi doonaan ciidamada Afrikaanta, waxaana lagu sheegay in maleeshiyadan aysan heynin awood iyo dhiiranaan ay ku hor istaagaan Xarakada Mujaahidiinta AlShabaab.

Warbixintu waxay sheegtay in waxa loogu yeero ciidanka Qaranka ee ay ku faanto dowladda Federaalka y yihiin maleeshiyo beeleed kala duwan oo qolo waliba uu hogaaminayo dagaal Ooge beeleed. Mana jiraan askar daacad u ah dowladda oo hela mushaaraad ku filan sida lagu sheegay warbixinta.

Mushaar la’aanta maleeshiyaadka iyo kala qeybsanaantooda waxaa qiray Xasan Sheekh Maxamuud oo ku magacaaban Madaxweynaha Somaliya balse ah dabadhilif shisheeyaha u adeega wuxuuna yiri: "Haa waa sax maleeshiyaadku wey kala yaacsan yihiin oo qolo waliba waxay daacad u tahay beesheeda lkn ma awoodno in xilligaan aan mideyno oo aan isku keeno sababtoo ah AlShabaab miyeey na sugi doonaan ilaa inta aan ka soo mideyneyno ciidamadan oo aan dib ugu soo celineyno saaxada dagaalka”.


Laakiin wariyaha qoray warbixintan wuxuu sheegay in mushkiladu ay ka fogtahay arintaas islamarkaana ciidankan aysan helinba mushaaraad, Hub iyo saldhigyo military oo ay dagaan. Wuxuu sheegay in midowga Yurub dhawaan uu joojiyey tababaradii uu siinayey maleeshiyaadka Soomaalida sababo ku aadan cabsi ay ka muujiyeen in maleeshiyaadka ay la heystayaal ahaan u qabsadaan tababarayaasha, ka dibna ay dalbadaan madaxfurasho si ay u soo bandhigaan dhibka heysto maadama ay baahan yihiin oo in muddo ah aysan arkin wax dhaqaale ah.

Gen. Maxamed Sheekh Xaamud oo ah Taliyaha Police DF-ka ayaa isna wargeyska u sheegay in ciidamada Soomaalida ay ku jiraan marxalad aad u adag, wuxuuna yiri: Police-keenu waa sidii in ay ku jiraan xabsiga Guantanamo Bay oo kale. Waxaan u dirnay degmooyinka la xureeyey, laakiin waa la go’doomiyey, lana hareereeyey, meelna kagama soo bixi karaan.

Dhaqanada la yaabka leh ee lagu yaqaano madaxda iyo Saraakiisha Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka mid ah in calaacal iyo qeylo-dhaan afka furtaan marka ay la hadlayaan warbaahinta reergalbeedka, ayna ka sheekeyaan xaqiiqda taalla gudaha dalka, Halka dhanka kale ay faan iyo caga-jugleen la soo shirtagaan marka ay la hadlayaan warbaahintooda maxaliga ah.

Dad badan oo aan weydiinay ujeedka ka dambeeya arintan ayaa waxay noo sheegeen in sababta beesha caalamka loogu sir waramayo ay tahay beerlaxowsi lagu raadsanayo dhaqaale iyo taageero Military balse dadka Soomaaliyeed la isaga dhigayo dowlad awood leh oo kasban karta amaanka iyo xasiloonida wadanka.

Qeylo-dhaantan ka soo yeertay Xasan Sheekh Maxamuud oo aan ahayn tii ugu horeysay ayaa waxay dhanka kale muujineysaa in hal-bacaad lagu lisay uu noqday juhdigii la geliyey xukuumadiisa shantii sano ee la soo dhaafay, islamarkaana maanta ay xaaladu taagantahay meeshii ugu xumeed waqti sii joogitaankiisa xafiiska uu ka harsan yahay oo kaliya wax aan ka badneen saddex bilood.

Isha Warka:Washington Post

Related Items