Sawirro:Rabshado Ka Bilaawday Magaalada Beled Weyne Kadib Markii ay Ganacsatadu Diideen Qaadashada Lacagta Shilin Soomaaliga.

Wednesday May 11, 2016 - 15:19:03 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro:Rabshado Ka Bilaawday Magaalada Beled Weyne Kadib Markii ay Ganacsatadu Diideen Qaadashada Lacagta Shilin Soomaaliga.

    Rabsasho saameyn ballaaran ku yeeshay ganacsiga gobolka Hiiraan ayaa lagasoo sheegayaa magaalada Beled Weyne ee dhacda bartamaha soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Rabsasho saameyn ballaaran ku yeeshay ganacsiga gobolka Hiiraan ayaa lagasoo sheegayaa magaalada Beled Weyne ee dhacda bartamaha soomaaliya.

Wararka ka imaanaya Beled Weyne ayaa sheegaya in dibax baxyo ballaaran ay ka socdaan xaafadaha kala duwan ee magaalada.

Goob joogayaal ayaa sheegay in shacab caraysan ay xoog kugaleen suuqa ganacsiga Beled weyne iyagoona dhagxaan la dhacay dukaamo ganacsi.

Dadka caraysan ee waddooyinka isugusoo baxay ayaa kasoo horjeeda diidmada lacagta shilin soomaaliga oo shalay laga diiday magaalada Beled Weyne.


Guddiga ganacsatada gobolka Hiiraan ayaa shalay sheegay in aysan qaadan doonin lacagta shilin soomaaliga kadib markii lacago malaayiin faalsa ah magaalada lasoo geliyay taasi bedelkeedna waxay sheegeen in ay qaadanayaan oo kaliya lacagta dollarka Mareykanka.

Jiha wareer dhanka ganacsiga ah ayaa Beled Weyne lagasoo sheegayaa, dadka danyarta ayaa ah kuwa ugu daran ee ku dhibaatoobaya diidmada lacagta shilin soomaaliga.

Tobankii maalmood ee lasoo dhaafay gobollada Galguduud iyo Hiiraan waxaa kusii qulqulayay gaadiid xamuul ah oo lacago been abuur ah kasoo qaaday dhanka magaalooyinka Boosaaso iyo Gaalkacyo.

Degmooyinka iyo deegaanada ay maamusho xarakada Al Shabaab ee Hiiraan iyo Galguduud wax saameyn ah kuma yeelan dhibaatada dhanka lacagta ah ee gobollada dhexe kusoo korortay.




Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items