Xisbullaah "Kooxo Takfiiriyiin ah ayaa Dilay Mustafa Badrudiin oo ahaa Hogaamiye Sare".

Saturday May 14, 2016 - 10:30:00 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Xisbullaah "Kooxo Takfiiriyiin ah ayaa Dilay Mustafa Badrudiin oo ahaa Hogaamiye Sare".

    War rasmi ah oo kasoo baxay Ururka shiiciga Xisbullah ayaa lagu sheegay in Hoggaamiye sare oo looga dilay wadanka Suuriya ay mas'uul ka ahaayeen xoogaga jihaadiyiinta sunniga ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

mustafa Badrudiin ayaa ahaa taliyaha ciidanka Ururka Xisbullah ee Suuriya
War rasmi ah oo kasoo baxay Ururka shiiciga Xisbullah ayaa lagu sheegay in Hoggaamiye sare oo looga dilay wadanka Suuriya ay mas'uul ka ahaayeen xoogaga jihaadiyiinta sunniga ah.

Guddiga fulinta Ururka Xisbulllaah isku magacaabay ayaa war uusoo saaray ku xaqiijiyay in baaritaan saacado qaatay kadib ay ku ogaadeen in Mustafa Badrudiin uu u dhintay dhaawacyo kasoo gaaray walxaha qarxa oo lagu weeraray gaarigii uu la socday.

"Kooxaha Takfiiriyiinta Suuriya ku sugan ayaa dilay shahiid Mustafa Badrudiin xilli uu howl Jihaadi ah ka waday duleedka magaalada Dimishiq”ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ay baahisay shabakadda Al-Manaar.


Ururka Shiiciga ah ee fadhigiisu yahay wadanka Lubnaan ayaa Mustafa Badrudiin ku tilmaamay shakhsigii ugu sarreeyay dagaalyahanadiisa ee suuriya loo diray.

Warar horay usoo baxay ayaa sheegayay in Badrudiin ay dishay duqeyn dhanka cirka ah oo diyaaradaha israa’iil ay ka fuliyeen meel ku dhaw garoonka diyaaradaha Dimishiq.

Maleeshiyaadka Ururkan ayaa taageerayaashooda ku jiha wareeriya in ay difaacayaan Qudus balse wadada ay marayaan iyo xasuuqa ay ugeysanayaan dadka muslimiinta suuriya ayaa arrinkaasi beeninaya.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items