Waa Sidee Xaaladda Degmada Aadan Yabaal Ee Gobolka Shabeelaha Dhexe?.

Monday May 16, 2016 - 10:58:33 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Waa Sidee Xaaladda Degmada Aadan Yabaal Ee Gobolka Shabeelaha Dhexe?.

    Waxaa dib usoo laabtay adeegyadii bulshada degmada Aadan Yabaal ee gobolka shabeelaha dhexe oo maalmo ka hor ay arbushaad ka gaysteen ciidanka Xabashida Itoobiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa dib usoo laabtay adeegyadii bulshada degmada Aadan Yabaal ee gobolka shabeelaha dhexe oo maalmo ka hor ay arbushaad ka gaysteen ciidanka Xabashida Itoobiya.

Wararka ka imaanaya  shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in boqolaal qoys oo horay magaalada uga Barakacay ay dib ugusoo laabteen Aadan Yabaal.

Suuqa ganacsiga ayaa ah mid camiran halka adeegyada bulshada ee aas-aasiga ay si caadi ah u shaqeynayaan sida Biyaha,Korontada iyo isbitaalka guud ee Aadan Yabaal.

Ciidamada xisbada ayaa sugaya ammaanka, goob jooge ku sugan degmada Aadan Yabaal ayaa SomaliMeMo khadka taleefanka ugu sheegay in xaaladdu degantahay.


Ciidamada Xabashida Itoobiya iyo Maleeshiyaadka taabacsan ayaa dib ugu laabtay degmada Moqa-kori ee gobolka Hiiraan, waxaana beenoobay warar ay faafiyeen qaar katirsan warbaahinta soomaalida ee dhaqanka ka dhigtay in magaalooyin iyo deegaanno afka ugu qabtaan cadawga shisheeye.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items