Ibraahiimi "Suuriya Waxay Kusii Dhacaysaa Haadaantii Soomaaliya oo kale".

Monday May 23, 2016 - 14:47:10 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ibraahiimi "Suuriya Waxay Kusii Dhacaysaa Haadaantii Soomaaliya oo kale".

    Mas'uul horay uga tirsanaa waxa loogu yeero Q.Midoobe ayaa ka dayriyay xaaladda dalka soomaaliya ee dhaca bariga qaaradda Afrika.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Al-akhdar Ibraahiimi ayaa horay usoo noqday Erygayga Q.Midoobe ee Suuriya
Mas'uul horay uga tirsanaa waxa loogu yeero Q.Midoobe ayaa ka dayriyay xaaladda dalka soomaaliya ee dhaca bariga qaaradda Afrika.

Erygaygii hore ee Q.Midoobe u qaabilsanaa arrimaha Suuriya Al-akhdar ibraahiimi ayaa sheegay in soomaaliya ay ku socoto dhabihii wadanka Suuriya.

Isagoo kalimad ka jeediyay dood ka dhacaysay wadanka Al-Jazaa’ir ayuu sheegay in marka loo eego dagaalka sokeeye ee Suuriya iyo dowlad la’aanta daba dheeraatay ee soomaaliya kajirta ay labada dal haadaan kusii dhacayaan.

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay noqotay meel aan looga dhaqmin sharciga caalamiga ah ee reergalbeedku gacantooda ku sameysteen islamarkaana xoogag islaamiyiin ah dagaal ugu jiraan sidii sharciga islaamka ay dalka ugusoo rogi lahaayeen.


"Khatarta weyn ee Suuriya wajahayso ma ahan oo kaliya in la kala qeybiyo ee waa in ay sida soomaaliya oo kale noqoto”ayuu yiri Diblumaasigan dalka Al-Jazaa’ir kasoo jeeda.

Siyaasiga Al-akhdar Ibraahiim ayaa sagaashameeyadii wakiil uga ahaa Q.Midoobe wadamo ay kamid yihiin Afghanistan,Lubanaan iyo Hayti  waxaana muuqata in uu walaac ka muujinayo duullaanada isku midka ah ee suuriya iyo soomaaliya lagu qaaday.

Suuriya iyo Soomaaliya ayaa isaga mid ah jamaacaad Jihaadi ah oo ka halgamaya iyo duullaan shisheeye oo dadka iyo dalka lagusoo qaaday.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]


Related Items