Amniyaat-ka Al Shabaab oo Taliyihii Booliska Gobolka Banaadir Ku Qasbay in uu is casilo!.

Tuesday May 24, 2016 - 09:53:07 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Amniyaat-ka Al Shabaab oo Taliyihii Booliska Gobolka Banaadir Ku Qasbay in uu is casilo!.

    Ururka Damul Jadiid ee haya talada dowlada Federaalka ayaa shaqadii uu hayay ka Eryay Col.Cali Gaab oo ku magacaawnaa taliyaha booliska gobolka Banaadir.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururka Damul Jadiid ee haya talada dowlada Federaalka ayaa shaqadii uu hayay ka Eryay Col.Cali Gaab oo ku magacaawnaa taliyaha booliska gobolka Banaadir.

Cali Gaab ayaa warbaahinta magaalada Muqdisho u xaqiijiyay in uu isaga tagay shaqadii uu u hayay maamulka gobolka Banaadir isagoo diiday in faah faahin dheeri ah uu bixiyo.

Ilo wareedyo mas’uul ah ayaa SomaliMeMo u xaqiijiyay in Cabdi Raxmaan Tuuryare uu Eryay Cali Gaab kadib markii uu wax ka qaban waayay weerarada joogtada ah oo ay xoogaga shabaabul Mujaahidiin ka fuliyaan gudaha magaalada Muqdisho.

Kulan laba maalin ka hor dhax maray Tuur Yare iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa lagu go’aamiyay in la eryo Cali Gaab iyo qaar katirsan guddoomiyaasha degmooyinka gobolka Banaadir.


Eryidda Cali Gaab waxay timid kadib markii amniyaatka shabaabul Mujaahidiin ay ka jabiyeen darbigii dhanka amniga ee laba bilood ka hor Muqdisho laga dhisay.

Taliska guud ee Nabad sugidda Dowladda Federaalka ayaa horay u sheegay in nabad sugidda si toos ah loo hoos geeyay maamulka gobolka Banaadir iyagoona xilligaasi ku faanay in ammaanka caasimadda ay xajinayaan.

Si kastaba ha ahaatee maamulka Xasan Gurguurte oo waqtigiisu gaba gabo maraya ayaa laga yaabaa in maalmaha soo socda uu xilalka ka tuuro saraakiisha amniga islamarkaana uu magacaabo saraakiil kale.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items