Shirkii Maamul usameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe oo lagu kala dareeray WARBIXIN.

Wednesday May 25, 2016 - 15:13:25 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkii Maamul usameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe oo lagu kala dareeray WARBIXIN.

    Hoggaanka Xisbiga Talada haya ee Damul Jadiid ayaa sedax bilood ka hor dhaxda u xirtay sidii ay u dhisi lahaayeen maamul midaysan oo ka hirgala gobollada Hiiraan iyo shabeelaha dhexe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jeneraal Gabre oo siyaasiyiin soomaali ah kulansiiyay
Hoggaanka Xisbiga Talada haya ee Damul Jadiid ayaa sedax bilood ka hor dhaxda u xirtay sidii ay u dhisi lahaayeen maamul midaysan oo ka hirgala gobollada Hiiraan iyo shabeelaha dhexe.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ayaa dhaqaale boqolaal kun oo dollar ah ku bixiyay sidii mar uun maamul loogu yagleeli lahaa labadaasi gobol oo cadaadis siyaasadeed uu kala kulmayo.

C/Raxmaan Odawaa oo ku magacaaban wasiirka arrimaha gudaha ayaa dhowr mar odayaal dhaqameeyo kasoo jeeda gobollada Hiiraan iyo shabeelaha dhexe ku kulmiyay magaalada Jowhar.

Dhammaan isku dayadii lagu doonayay in maamul lagu dhiso ayaa fashilmay kadib markii odayaasha dhaqanka Hiiraan ay si cad u sheegeen in aysan ogolaan doonin in labada gobol la mideeyo.


Salaadiin kasoo jeedo shabeelaha dhexe ayaa iyana sheegay in shirka ay isaga baxeen, wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in shirkii Jowhar lagu kala dareeray balse odayaal uu biilo Ururka Damul Jadiid ay deganyihiin Hoteellada magaaladaasi.

Caqabadda ugu daran ayuu Xasan Sheekh kala kulmayaa dhanka gobolka Hiiraan oo siyaasadda Damul jadiid ka biya diidan, ilo wareedyo ayaa sheegaya in waxa loogu yeero beesha caalamka ay dhawaan tagi doonaan Beled Weyne si ugaaska Xawaadle ugu cadaadiyaan aqballidda shirka Jowhar.

Falanqeeyayaasha arrimaha siyaasadda soomaaliya waxay sheegayaan in dib udhac ku yimaad dhismaha maamulka Jowhar uu raja xumo gelinayo Xasan Gurguurte sababtoo ah xildhibaanada lagasoo xulayo gobollada dhexe ayuu doonayaa in ay isaga u codeeyaan.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items