Michel Keating: Al Shabaab Waxay Ku Naaloonaysaa Taageerada Shacabka Soomaalida Waana Wadada Ugu Wanagsan ee Ammaanka lagu sugi karo".

Sunday May 29, 2016 - 18:20:36 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Michel Keating: Al Shabaab Waxay Ku Naaloonaysaa Taageerada Shacabka Soomaalida Waana Wadada Ugu Wanagsan ee Ammaanka lagu sugi karo".

    Q.Midoobe ayaa sheegtay in ammaan laysku hallayn karo uusan kajirin dalka soomaaliya gaar ahaan magaalooyinka iyo deegaanada ay ka arrimiyaan maamullada dabadhilifyada u ah shisheeyaha.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Q.Midoobe ayaa sheegtay in ammaan laysku hallayn karo uusan kajirin dalka soomaaliya gaar ahaan magaalooyinka iyo deegaanada ay ka arrimiyaan maamullada dabadhilifyada u ah shisheeyaha.

Wakiilka Q.Midoobe u qaabilsan Soomaaliya Amb. Michel Keating ayaa shaaca ka qaaday in dhulka ay maamusho xarakada Al Shabaab uu yahay mid nabdoon oo ay mudantahay in dhinacyada kale ee soomaalida ah uga daysadaan sugidda ammaanka.

Maqaal uu qoray Ergayga Q.Midoobe u qaabilsan arrimaha Soomaaliya oo ciwaankiisu ahaa "Nolosha Isbuuca ee Michel Keating” ayuu uga faallooday xaaladda dalka  ammaanka iyo siyaasadda.


Wuxuu farta ku goday in dhammaan dhinacyada ku loolamaya soomaaliya aysan heysan taageerada shacabka ay maamulaan marka laga reebo xarakada Al Shabaab oo dhulka ay maamusho ku heysata taageero shacbi.

"Dhammaan dhinacyada soomaalida Ra’yiga ay qabaan ayaa ah in shacabku ay ku kalsoonyihiin hab maamulka Al Shabaab si kabadan kalsoonida ay ku qabaan xukuumadda soomaaliya” ayuu yiri Keating.

Wuxuu aad u dhaliilay dowladad Federaalka Soomaaliya oo uu sheegay in wax raja ah aysan ku qabin shacabka soomaaliyeed islamarkaana aysan kalsooni weyn  u heyn.

Mar uu hadalkiisa sii watay ayuu yiri "Al Shabaab waxay taageero weyn ka heysataa Shacabka waana midda ugu wanaagsan ee lagu sugi karo ammaanka”.

Wakiilka Q.Midoobe ee arrimaha Soomaaliya ayaa muujiyay sida maamullada Al Shabaab ay uga wanaagsanyihiin kuwa kale ee beesha caalamka ku xiran balse XSHM ayuu ku eedeeyay in ay maamul wanaagga umarayso ‘asaaliib waxshi ah’ oo uu ula jeedo Tadbiiqinta shareecada Islaamka.

Maqaalka uu qoray Michel Keating sidoo kale wuxuu kusoo hadal qaaday arrimaha siyaasadda isagoo muujiyay kalsooni darrada beesha caalamka ay ka qabto in doorashooyinka madaxtinimada iyo kuwa baarlamaanka ee DF-ka ay sidii larabay u dhacaan.

"Isbuucii laba jeer ayaan la kulmaan madaxweynaha iyo R/wasaaraha waxa kaliya ee ay ku mashquulsanyihiin ayaa ah qaban qaabinta doorashooyinka” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Michel Keating.

Meesha ay gaartay ammaan xumada ka jirta magaalada Muqdisho ayuu soo hadal qaaday in marka ay ka dhoofayaan garoonka diyaaradaha Muqdisho ay adeegsadaan gaadiidka aysan xabaddu karin sababa la xiriira baqdin ay ka qabaan weeraro uga yimaad xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

Amb.Keating wuxuu muujiyay ammaanka sii xumaanaya ee magaalada Muqdisho isagoo tusaale usoo qaatay in isaga iyo madaxda dowladda aysan awooin in maqaayadaha laga cunteeyo ay tagaan

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]


Related Items