Waa Kuma Col.Maxamed Kaariye Caraale Maxaase Ka Jira in uu Dilay Sarkaal Ka Goostay Xarakada Al Shabaab?

Monday May 30, 2016 - 18:43:30 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 3.7/5 Stars) Total Votes: 3
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa Kuma Col.Maxamed Kaariye Caraale Maxaase Ka Jira in uu Dilay Sarkaal Ka Goostay Xarakada Al Shabaab?

    Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada Xabashida Itoobiya ay xireen sarkaal sare oo katirsanaa ciidanka dowladda Federaalka ee gumeystaha la shaqeysa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maleeshiyaadka DF-ka ee shisheyaha la shaqeeya
Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada Xabashida Itoobiya ay xireen sarkaal sare oo katirsanaa ciidanka dowladda Federaalka ee gumeystaha la shaqeysa.

Saraakiil Itoobiyaan ah ayaa degmada Ceel-buur ka kaxeeyay sarkaal dabadhilif u ahaa oo sanadadii lasoo dhaafay falal dilal ah ka gaysanayay duleedka Ceelbuur.

Ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in saldhig ciidanka xabashida Itoobiya ay ku leeyihiin degmada Beled Weyne la dhigay Col. Maxamed Kaariye Caraale oo caan ku ahaa la shaqeynta xabashida Itoobiya ee Galguduud.

Dowladda Federaalka ayaa sheegtay  in sarkaalka la xiray uu horay u dilay sarkaal kasoo goostay xarakada Al Shabaab warkaasi oo ah been aan sal iyo raad laheyn.


Baaritaan ay sameysay shabakadda SomaliMeMo ayay ku ogaatay in Max’med Kaariye uu ahaa dabadhilif falal dambiyeedyo daran ugaystay dad shacab ah.

Kaariye ayaa Ciidanka Itoobiya u qaabilsanaa soo qafaalidda dadka ka barakacay Ceelbuur isagoona dhowr mar Gabdho soomaaliyeed ugacan geliyay ciidanka Itoobiya illaa iyo haddana aan la hayn  raq iyo ruux.

Waxaa been iyo waxba kama jiraan ah dacaayadda ay faafisay Dowladad Federaalka ee ah in Kaariye uu dilay sarkaal shabaab kasoo goostay kaasi oo magaciisa lagu sheegay Ciise Cali Mire!.

SomaliMeMo ayaa la xariirta ehelka Ciise Cali Mire waxayna noo xaqiijiyeen in allaha u naxariistee Ciise uu ahaa Nin muslim reer Miyi ah oo aan waligiis la shaqeyn shabaabul Mujaahidiin.

Taliyaha Melleteriga gobolka Galguduud ugu magacaaban DF-ka iyo ciidan uu wato ayaa Ciise kasoo qabtay baadiyaha Ceelbuur xilli uu geel ku ilaalinayay duleedka degmada  kadibna magaalada ayay geeyeen halkaasi oo ay ku toogteen.

Waxgaradka degmada Ceelbuur waxay sheegeen in Mahad Kaariye uu ciidanka Itoobiya ugacan geliyay in kabadan 50 qof oo shacab ah walina aan la ogeyn halka ay jiraan waxaana loo badinayaa in dadkaasi ay dishay Xabashida Itoobiya.

Sarkaalkan dagaal oogaha ah ayaa maray halkii ay horay u mareen dabadhilifyadii lasoo  shaqeeyay gumeystaha Itoobiya oo caan ku ah in ugu dambeyntii ay fadeexadeeyaan marka ay ku ugaarsadaan kadibna si hoose u dilaan.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items