Akhriso:Dowladda Federaalka oo Taageertay Xasuuqa Nidaamka Al-Asad uu Ku Haayo Shacabka Suniyiinta Suuriya.

Monday May 30, 2016 - 13:34:06 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 1
  • Share via Social Media

    Akhriso:Dowladda Federaalka oo Taageertay Xasuuqa Nidaamka Al-Asad uu Ku Haayo Shacabka Suniyiinta Suuriya.

    War rasmi ah oo kasoo baxay safaaradda Dowladda Federaalka soomaaliya ee magaalada Dimishiq wadanka Suuriya ayaa lagu cambaareeyay qaraxyada ka dhanka ah nidaamka Al-asad.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nidaamka Al-asad ayaa xasuuq daran ku haya muslimiinta sunniga Suuriya
War rasmi ah oo kasoo baxay safaaradda Dowladda Federaalka soomaaliya ee magaalada Dimishiq wadanka Suuriya ayaa lagu cambaareeyay qaraxyada ka dhanka ah nidaamka Al-asad.
Dowladda Federaalka oo aan waxba ka oran xasuuqa bahadlnimada leh ee ciidanka Nidaamka Suuriya iyo diyaaradaha dagaalka Bashaar Al-asad ay ku hayaan shacabka suniyiinta magaalada Xalab ayaa cambaaraysay qaraxyo ay ku dhinteen boqolaal qof Nuseyriyiin ah kuwaasi oo isbuucii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Darduus.

"Dowladda Soomaaliya waxay si daran u cambaaraynaysaa weeraradii argagaxiso ee ka dhacay magaalooyinka Darduus iyo Jablah,waxay ahaayeen weeraro argagax leh”ayaa lagu yiri warka kasoo baxay DF-ka.


Safaaradda dowladda Federaalka soomaaliya ee magaalada Dimishiq ayaa sheegtay in Nidaamka Suuriya ay kala shaqeynayso la dagaalanka Argagaxisada iyo wax ay ugu yeertay Xagjirayaal.

Ugu dambeyntii waxa loogu yeero xukuumadda Soomaaliya ayaa ugu baaqday beesha caalamka in suuriya ay kala shaqeeyaan ka hortagga ‘Argagaxisada’ iyo takfiiriyiin dhib ka wado suuriya oo loola jeedo jamaacaadka jihaadiga ah ee dagaalka kula jira maleeshiyaadka shiicada Iiraan iyo ciidanka dhiigya cabka nidaamka Suuriya.

Maamulka Xasan Gurguurte ayaa u muuqda mid dabadhilifnimadii uu hayay Itoobiya iyo Kenya ku weeciyay dhanka suuriya, falanaqeeyayaasha arrimaha siyaasadda ayaa aaminsan in tani ay tahay siyaasad xumo sababtoo ah Turkiga iyo Sacuudiga oo taageera siiya DF-ka wax cilaaqaad ah lama lahan Nidaamka Al-asad.

Halkan ka akhri war ay baahisay Wakaaladda SANA ee afka xukuumadda Suuriya ku hadasha

Related Items