Dhageyso:Waaliga Banaadir oo Odayaal kula kulmay Muqdisho

Monday July 21, 2014 - 12:03:28 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 2
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso:Waaliga Banaadir oo Odayaal kula kulmay Muqdisho

    Waaliga wilaayada islaamiga ah ee Banaadir Sh/Cali Maxamad Xuseyn ayaa manta kulan xasaasi ah la qaatay in ka badan todobaatan oday oo isaga kala yimid xaafadaha degmada Heliwaa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waaliga wilaayada islaamiga ah ee Banaadir Sh/Cali Maxamad Xuseyn ayaa manta kulan xasaasi ah la qaatay in ka badan todobaatan oday oo isaga kala yimid xaafadaha degmada Heliwaa.

Kulanka oo ka dhacay xaafadda Suuqa xoolaha ayaa looga hadlay qodobo dhowr ah oo ay kamid yihiin dhibaatooyinka ay bulshadu kala kulanto ciidamada dowladda iyo sida ay wilaayada iyo bulshadu isaga kaashan karto ka hortaggooda.

Sh/Cali Jabal iyo odayaasha dhaqanka ayaa intii uu socday shirka is weydaarsaday talo iyo tusaalooyin, iyadoo ugu dambeyntii la isku afgartay in ficil ahaan loo badalo dhammaan qodobada laga hadlay hoostana laga wada xariiqay.



Markii uu shirku dhamaaday ayaa waxaa saxaafadda la hadlay qaar kamid ah odayaasha dhaqanka oo ka sheekeeyay kulanka iyo natiijadiisa.

Kulankan ayaa kusoo aadaya iyadoo maalin uun ka hor uu waaliga Banaadir daah furay tartan Qur’aan aqris ah oo Muqdisho ka socda kaasoo dhex maraya dugsiyada diiniga ah.

Sidoo kale shirkan ka dhacay degmada Heliwaa ayaa kusoo hagaagay iyadoo dowladda Xassan Sheekh ay si weyn uga walwalsan tahay hawlaha uu waaligu ka wado magaalada Muqdisho, waxaana jira hawlgallo ay ciidamadu si indho la’aan ah manta uga sameynayaan xaafado ka tirsan degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Dhagayso Odayaal Xamar Kula Kulmay Sh Cali Jabal .mp3

Xigasho:Idaacadda Alfurqaan

Related Items