WARBIXIN: Yahuudda oo Aan u Diyaarsanayn Guluf Dagaaleed Kusoo Wajahan.

Sunday June 05, 2016 - 12:15:30 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WARBIXIN: Yahuudda oo Aan u Diyaarsanayn Guluf Dagaaleed Kusoo Wajahan.

    Maamulka Yahuudda Sahyuuniyada ayaa walaac ballaaran ka muujinaya in looga adkaado dagaal ay suurtagal tahay in waqtiga dhow lagusoo qaado Yahuudda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka Yahuudda ayaa lagu Jebiyay dagaalkii Gaza 2014
Maamulka Yahuudda Sahyuuniyada ayaa walaac ballaaran ka muujinaya in looga adkaado dagaal ay suurtagal tahay in waqtiga dhow lagusoo qaado Yahuudda.

Wasiirka arrimaha gudaha Yahuuda ayaa sheegay in marxaladda soo socota ay tahay mid adag isagoo dhaliilay in ciidanka Yahuudda aysan u diyaarsanayn dagaal masiiri ah oo ay lagalaan muslimiinta.

sida uu soo tabiyay wariye katirsan wargeyska Isra'el Today wasiirka arrimaha gudaha ayaa yiri "Jabhadda gudaha uma diyaarsana dagaalka nagusoo socda,waxaa jira gaabis dhan walba ah sababtoo ah dadka isaraa'iil ma dhiifoona".


Wasiirka difaaca cusub ee Israa'iil Leberman ayaa isna muujiyay cabsi ah weerar dhanka badda ah oo kusoo food leh ciidanka Yahuudda isagoo kulan degdeg ah ka dalbaday R/wasaare Netenyaahu.

Dadka Yahuudda ee xoogga ku heysta dhulalka Filasdiiniyiinta ayaa wadnaha farta ku haya waxaana soo baxay warar ishaacaad ah oo sheegaya in xarakada islaamiga Xamaas ay weerar ku tahay magaalada xeebta leh ee Cakka.

Cizudiin Qasaam garabka melleteri ee xarakada Islaamiga Xamaas ayaa bilihii lasoo dhaafay tababarro culus siinayay guutooyin ciidamo ah oo loogu talagalay in ay ka dagallamaan dhanka Badda.

Kobaca xoogaga jihaadiga suuriya ayaa qeyb ka ah walaaca Yahuudda waxayna tani imaanaysaa 100 sanadood kadib markii uu dhacay Heshiiskii Saybes-biiko ee dhulalka muslimiinta shaam lagu kala qeybsaday oo Filasdiin ay qeyb ka tahay.

Related Items