Wariye Mareykan ah iyo Nin Turjumaan u ahaa oo Lagu Dilay Koonfurta Dalka Afghanistan.

Monday June 06, 2016 - 09:36:31 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wariye Mareykan ah iyo Nin Turjumaan u ahaa oo Lagu Dilay Koonfurta Dalka Afghanistan.

    Wararka ka imaanaya wadanka Afghanistan ayaa sheegaya in weerar hubeysan oo ka dhacay Koonfurta wadankaasi lagu dilay wariye u dhashay dalka Mareykanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Afghanistan ayaa sheegaya in weerar hubeysan oo ka dhacay Koonfurta wadankaasi lagu dilay wariye u dhashay dalka Mareykanka.

Taliyaha booliska Afghanistan ayaa xaqiijiyay in weerar ka dhacay gobolka Helmand lagu dilay saxafi u shaqeynayay Idaacadda qaranka Mareykanka iyo Nin Afghanistani ah oo Turjumaan u ahaa.

Wariye david gilkey iyo saaxibkiis Dabiixullaah Thamna ayaa dhintay kadib markii ay ku dhaceen weerar dhabagal ah gobolka Helmand.

War kasoo baxay Idaacadda uu u shaqeynayay wariye david gilkey ayaa lagu sheegay in gaarigii uu la socday uu burburay kadib markii xoogag hubeysan ay weerareen.


Wararka ayaa intaasi ku daraya in david gilkey oo 50 sana jir ah uu muddo sanada ah kasoo shaqeynayay goobaha dagaalka adduunka gaar ahaan Afghanistan iyo Ciraaq.

Xarakada Islaamiga Taliban ayaa dagaal jihaad ah kula jirta ciidanka soo duulayaasha Mareykanka iyo maleeshiyaadka xukuumadda Afghanistan dabadhilifka Kabuul.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items