Maxaa Kajira in 541 Askari Al Shabaab Looga Dilay Dagaalkii Halgan?,Dowlada Federaalka Somalia iyo Xabashida Miyay Wada Dhasheen? WARBIXIN.

Friday June 10, 2016 - 11:19:22 in Wararka by
  • Visits: 10076
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 2
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Maxaa Kajira in 541 Askari Al Shabaab Looga Dilay Dagaalkii Halgan?,Dowlada Federaalka Somalia iyo Xabashida Miyay Wada Dhasheen? WARBIXIN.

    Waxaa sii xoogeystay khasaaraha ciidanka Xabashida Itoobiya kasoo gaaray dagaalkii xooganaa ee shalay ka dhacay deegaanka Halgan gobolka Hiiraan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa sii xoogeystay khasaaraha ciidanka Xabashida Itoobiya kasoo gaaray dagaalkii xooganaa ee shalay ka dhacay deegaanka Halgan gobolka Hiiraan.

Ugu yaraan 75 askari ayaa la rumeysanyahay in Itoobiya looga dilay weerarkii Halgan inkastoo xarakada Shabaabul Mujaahidiin ay xaqiijisay in 60 askari lagu dilay.

Ilo wareed mas’uul ah oo ku sugan magaalada Beled Weyne ayaa shabakadda SomaliMeMo u xaqiijiyay in xerada melleteriga Itoobiya ee magaalada Beled Weyne la gaarsiiyay 75 Meyd iyo 40 dhaawacyo ah.

Diyaarado dagaal ayaa deegaanka Halgan kasoo daabulay Meydad iyo dhaawacyo farabadan, wararka ayaa intaasi ku daraya in Meydadka askarta Itoobiya oo macaawisyo ku duuban laba diyaaradood lagu daabulay.


Saraakiil Itoobiyaan ah ayaa amar ku siiyay maleeshiyaadka dowladda Federaalka in aysan usoo dhawaan saldhigyada ay ku leeyihiin Beled Weyne iyo Halgan si aan loo ogaan khasaaraha rasmiga ah ee kasoo gaaray dagaalkii shalay.

Dhinaca kale wasiirro katirsan xukuumadda dabadhilifka ah ee Villa Somalia iyo taliska AMISOM ayaa ku fashilmay been ay warbaahinta kasii daayeen.


AMISOM waxay sheegtay in boqol askari oo shabaabul Mujaahidiin katirsana ay ku dishay dagaalkii Halgan iyadoo soo bandhigtay sawirrada boqolaal qori AK47 ah iyo rasaas farabadan laakin lamasoo bandhigin boqolaalka qori raggii laga dilay.

Balse waxaa is weydiin mudan aaween meydadka askartii hubkaasti laga dilay,sida muuqata AMISOM waxay sawirro kasoo qaadatay hubkii laga dilay ciidanka Itoobiya.

Marka si fiican loo eego sawirrada waxaa xaqiiq ah in taliska ciidanka Itoobiya ee Halgan gaar ahaan qeybta keydka hubka sawirro lagasoo qaaday oo laga dhigay hub alshabaab laga qabsaday.


Hubka lasoo bandhigay qaar kamid ah ma aheyn mid in mudda ah lagu dagaallamay,arrinta kale ee caddeynaysa faafinta dacaayadda beenta ah waxaa weeye  rasaas farabadan oo dhax daadsan maro  lagoglay!.

Sidee macquul ku tahay in ciidan dagaal kujira ay rasaas intaas la eg uga tagaan gudaha magaalo dagaal ka socda mise Taliskii ciidanka Al Shabaab ee gobolka Hiiraan ayay Itoobiyaanku qabsadeen?, dhammaan waa su’aalo jawaabtoodu noqonayso borobagaando warbaahineed iyo in laqariyo khasaarihii Itoobiyaanka kasoo gaaray dagaalkii Halgan.

Wasiirka ammaanka DF-ka:waxaan dilay 200 dagaal yahanno Al Shabaab ah.
Wasiirka G/dhigga DF-ka:waxaan dilay 120 dagaal yahan alshabaab ah.
Itoobiya:waxaan dhilay 101 Al Shabaab ah.
AMISOM: waxaan dilay 120 Al Shabaab ah.

Marka laysku daro wadarta inta askari ee cadawga Al Shabaab uu warbaahinta ka sheegtay in uu dilay  waa 541 mujaahid waana arrin aan la rumeysan Karin oo xataa warbaahinta reer galbeed ay ku tilmaamntay sheegasho aan la aamini Karin, waxaa dhici karta in ciidamada shabaab ee weerarka qaaday aysan ka badnayn 200 oo askari marka sidee ku suurtagalaysaa in 541 askari ladilo!

Fadeexadda ugu daran waxay ku dhacday Dowladda Federaalka oo dabadhilifnimo liidata lasoo shar tagtay markii wasiiradeedu ay si is khilaafsan uhadleen.

Midbaa yiri "ciidanka qaranka soomaaliyeed waa iska difaaceen weerar ay deegaanka Halgan kusoo qaadeen Argagaxisada Al Shabaab”!!.

Malaayiin soomaali ah ayaa afka gacanta saaray markii ay maqleen kuwii dowladda sheeganayay ee ubarooranaya hallaagga Xabashida waxaaba kasii daran been aan xad laheyn ayay warbaahinta ka sheegayaan si ay tacaaduf ugu muujiyaan xabashida.

Xarakada Shabaabul Mujaahidiin saacado kadib markii uu soo idlaaday dagaalkii Halgan ayay sheegtay khasaaraha dankeeda soo gaaray oo ah 16 shuhaddo ah inkastoo xarakadu aysan khasaara u arkin ciidan laga dilo.

Si kastaba ha ahaatee maalmaha iyo bilaha soo socda ayaa ka markaati kici doona xaqiiqda wixii ka dhacay halgan iyo cidda guulaysatay ama khasaartay.

W/Q Warfaa Kheyrdoon

Related Items