Sawirro:2 Jawaasiis Kenyan ah oo lagu Dilay Degmada Jilib Ee gobolka Jubbada Dhexe.

Saturday June 11, 2016 - 10:40:12 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 2.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 1
  • Share via Social Media

    Sawirro:2 Jawaasiis Kenyan ah oo lagu Dilay Degmada Jilib Ee gobolka Jubbada Dhexe.

    24 saacadood gudahood maxaakim islaami ah oo ka dhisan wilaayaatka islaamiga ah ee dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka soomaaliya ayaa fuliyay xukunno dil ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

24 saacadood gudahood maxaakim islaami ah oo ka dhisan wilaayaatka islaamiga ah ee dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka soomaaliya ayaa fuliyay xukunno dil ah.

Wararka ka imaanaya degmada Jilib ee gobollada Jubbooyinka ayaa sheegaya in goob fagaara ah lagu toogtay sedax jawaasiis ah oo la shaqeynayay dowladda Kenya.

Jawaasiista ladilay laba kamid ah waxay ahaayeen Kenyaati soomaaliya ku joogay sifa ah Mujaahidiin muhaajiriin ah balse ahaa jawaasiis sirdoonada Kenya iyo Yahuudda la shaqeynayay.

Qaadiga Maxkamadda wilaayada Islaamiga Jubbooyinka ayaa goob fagaara ah ka akhriyay xukunka jawaasiista ladilay iyo dambiyada lagu helay.

ATPU

Laba Kenyaatiga ee Jilib lagu dilay ayaa kala ahaa Cabdullaahu Faraj oo 22 sana jir ah kana yimid magaalada Xeebta leh ee Mombaasa wuxuu ku lug lahaa shirqool lagu dilay laba kamid ah culimaa’udiinka muslimiinta Kenya ee  kala ah Caabudo Roogu iyo Sheekh Abuubakar Makabuuri.

Jared Mokae Omambia oo 31 sana jir ah wuxuu kasoo jeedaa degmada Eldoret ee wadanka Kenya wuxuu tis toos ah ula shaqeynayay ciidanka Kenya ee marka magacooda loosoo gaabiyo loo yaqaan ATPU.

Xarakada Al Shabaab ayaa ku goodisay in tallaab adag ah ka qaadi doonto kooxaha Jawaasiista ah ee wadashaqeynta laleh shisheeyaha soomaaliya kusoo duulay.

Shalay ayay aheyd markii afar Jawaasiis ah dil iyo gowrac loogu geystay degmada Buula Fuulaay ee gobolka Bay.

Waa Markii 2-aad ee degmada lagu dilo dad Kenyaan ah oo Jaajuusnimo lagu heay bil ka hor ayaa sidaan oo kale loo dilay Nin kenyaan ah oo la shaqeynayay sirdoonada reer galbeedka.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items