Daawo:Hoggaamiyaha Al-Qaacidda oo Beyco lagalay Amiirka Cusub Ee Xarakada Taliban Afghanistan.

Saturday June 11, 2016 - 13:56:08 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo:Hoggaamiyaha Al-Qaacidda oo Beyco lagalay Amiirka Cusub Ee Xarakada Taliban Afghanistan.

    Amiirka guud ee Ururweynaha Al-Qaacidda Sheykh Ayman Al-Dawaahiri Xafidahullaah ayaa jeediyay kalimad taczi ah oo ku socota Imaarada islaamiga ah ee Afghanistan, taasi oo ku aadan Istish-haadkii Amiirkii hore ee Imaaradaas Al-Mulla Akhtar Mansuur Rax

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Amiirka guud ee Ururweynaha Al-Qaacidda Sheykh Ayman Al-Dawaahiri Xafidahullaah ayaa jeediyay kalimad taczi ah oo ku socota Imaarada islaamiga ah ee Afghanistan, taasi oo ku aadan Istish-haadkii Amiirkii hore ee Imaaradaas Al-Mulla Akhtar Mansuur Raximahullaah, isagoona dhanka kale Kalimaddani ku cusbooneysiiyay Beycada ay Al-Qaacidda kula jirto Imaarada islaamiga ah ee Afghanistan.

Sheykh Ayman waxa uu sheegay in geeridii Al-Mulla Akhtar Mansuur Raximahullaah inay murugo iyo tiiraanyo u aheyd iyaga iyo guud ahaan Umadda Muslimka, balse ay ku farxeen inuu ku sugnaaday Xaqqa, isagoo Mujaahid ah, illaa uu Rabbigiisa la kulmay isagoo Shahiid ah نحسبه والله حسيبه kadib duqeyn ay u geysteen Saliibiyyiiinta soo duulayaasha ah, sidaasna uu ku helay darajada ugu sarreysa ee uu tamaninnayo Mujaahidka, ee ah Shahaado lagu helo Jidka Allah.


Waxa uu sheegay Sheekhu in Al-Mulla Akhtar Mansuur uu gaaray darajadaas sare kadib markii uu Cimrigiisu uu ku qaatay la dagaalanka Ruushka Shuyuuciyiinta ah iyo xulafadooda, kadibna la dagaalanka Saliibbiyiinta Mareykanka iyo kaaliye-yaashooda. Wuxuu xusay in isaga iyo Al-Mulla Cumar Raximahullaah inay Cimrigooda ku dhameysteen sidii Dalka Afghanistan uga zuulin lahaayeen Munkarka, una fari lahaayeen Macruufka, sidoo kale wuxuu ku amaanay inuu difaacay Muhaajiriinta iyo Mustadcafiinta, islamrkaana isaga iyo Amiirkii ka horreeyay ay diideen in qof Muslim ah ay gaal u gacan geliyaan, iyagoona sidaasi ku noqday Mathal uu xusi doono Zamanka iyo tusaale ku qoran Sooyaalka Taariikhda ee Muslimiinta.

Al-Sheykhul Amiir Ayman Al-Dawaahiri Xafidahullaah waxa uu tilmaamay in iyagoo ku taagan dariiqa Jihaadka iyo Jamcinta Kalimadda Mujaahidiinta, kuna dayanaya Mashaayikhyadii hore ee Jihaadka, sida Sheykh Usaama Bin Laadin, Abuu Muscab Az-zarqaawi, Abuu Xamza Al-Muhaajir, Mustafa Abuu Yaziid, Abuu Leyth, Abuu Yaxya iyo Cadhiyatullaah in isagoo ku dayanaya Culimadaasi iyo Qiyaadadaasi, islamarkaana ah Amiirka Jamaacada Qaacidatul Jihaad inuu beyco la galayo Amiirka cusub ee Imaaraa islaamiga ah ee Afghanistan Al-Mowlawi Heybatullaah Xafidahullaah, wuxuuna qeexay inuu soo cusbooneysiinayo Nahjigii Sheykh Usaama Raximahullaah ee ku aadanaa in Umadda Muslimka loogu baaqo taageeridda iyo garab istaagidda Imaarada islaamiga ah ee Afghanistan.

Sheykh Ayman waxa uu Imaarada islaamiga ah ee Afghanistan beyco kula galay u gar gaaridda Kitaabka Allah, Sunnada Rasuulkiisa, iyo Sunnada Khulafaa’u Raashidiinkii iyaga ka dambeeyay Ridwaanullaahi Caleyhim.

Wuxuu Beyco kula galay Imaarada ka bari noqoshada Xukun walba, iyo heshiis walba oo khilaafsan Shareecada, ha ahaado Nidaamyada looga dhaqmo gudaha dhulalka Muslimiinta iyo Sharciyada ay dejiyeen Maamullada, Hey’adaha iyo Ururada baal marsan Shareecada Islaamka, Sida Qaramada Midoobay iyo kuwa la midka ah.

Wuxuu Beyco kula galay Xoreynta taako kasta oo ka tirsan dhulalka Muslimiinta ee la xoogay, laga soo billaabo Min Kashgar, Andalus, Qooqaaz, Soomaaliya, Bartamaha Afrika, Kishmiir, Qudus, Filibiin, Kaabuul, Bukhaaraa illaa Samarqand.

Wuxuu Sheekhu Beyco kula galay Imaarada islaamiga ah ee Afghanistan la dagaalanka Xukkaamta badalay Sharciga islaamka, ee xoogga ku heysta dhulalka Muslimiinta, kuwaas oo dhiciseeyay Axkaamta Shareecada, Muslimiintana kusoo rogay Axkaamta Gaalada.

Wuxuu Beyco ku galay U nuseynta Mustadcafiinta, Farista Macruufka iyo reebista Xumaha, Wuxuu sidoo kala baayactamay Oogitaanka Khilaafo ku dhisan Manhajka Nabiga, taas oo ku imaaneysa rabitaanka iyo doonista Muslimiinta, oo faafineysa Cadliga, fidineysa Shuurada, Xaqiijineysa Amniga, qaadeysa dulmiga, soo celineysa xuquuqda, korna u qaadeysa Raayada Tawxiidka.

Ugu dambeyn Sheykh Dr Ayman Al-Dawaahiri oo la hadlaya Amiirka cusub ee Imaarada islaamiga ah ee Afghanistan Al-Mowlawi Heybatullaah, wuxuu xusuusiyay in Allah uu ku sharfay labadii Amiir ee isaga ka horreysay iyo guud ahaan Imaarada islaamiga ah ee Afghanistan la dagaalanka soo duulayaashii Ruushka iyo Isbaheysatadoodii Shuyuuciyiinta ahaa, kadibna uu Allah ku manneystay inay taagaan Imaaradii ugu horreysay ee Islaami ah, kadib burkii Khilaafadii Cuthmaaniyyiinta, xilligaas oo aysan aduunka ka jirin Imaaro Sharci ah oo aan iyada aheyn.

Wuxuu sheegay in Imaaradu ay oogtay Shareecada islaamka, Mujaahidiinta iyo Muhaajiriintuna markii ay arkeen Sidga iyo Ikhlaaskooda ay la galeen Beyco, iyadoona beycadaas uu la galay Sheykh Usaama Raxiamhullaah, waxaana Beycadaasi soo galaya qofkasta oo Beyco la galay Sheykh Usaama iyo Jamaacada Qaacidatul Jihaad.

Sheykh Ayman Al-Dawaahiri isagoo sii wata farriintiisa ku socota Al-Mowlawi Heybatullaah wuxuu yiri : "Walaalihiina iyo Wiilashiina Muslimiinta ah waxay maanta wajahayaan Cadow Caalami ah oo doonaya inuu dabar jaro Islaamka, islamarkaana uu fasaadiyo Muslimiinta ku nool Min Kaashgar, Dhanjah, Qooqaaz, illaa bartamaha Afrika” waxaana uu sheegay in Muslimiintu ay Imaarada islaamiga ah u arkaan inay tahay Qalcadda Islaamka iyo Maganta Muslimiinta, wuxuuna kula dar daarmay inay Allah kaashadaan, ayna noqdaan sida ay Muslimiintu ka rajeynayaan.


Related Items