Suldaan Garyare:Soomaaliya Lama Rabo inay Yeelato Dowlad Madax Bannaan.

Tuesday June 21, 2016 - 16:32:40 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Suldaan Garyare:Soomaaliya Lama Rabo inay Yeelato Dowlad Madax Bannaan.

    Waqtiga Dowladda federaalka ah wax yar ayaa ka haray waxaana loo balansan yahay in mid cusub lagu bedelo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waqtiga Dowladda federaalka ah wax yar ayaa ka haray waxaana loo balansan yahay in mid cusub lagu bedelo.



Reer galbeedka iyo Itoobiya ayaa soo xulaya xubnaha ugu muhiimsan ee dowladda la soo wado sidii horay u dhacday xiliyadii tan hadda jirta iyo kuwii ka horeeyay la dhisayay.

Aqoon yahan Suldaan Maxamed Garyare ayaaa sheegaya in Soomaaliya Aanan lala rabin dowlad rasmi ah oo ka madax bannaan shisheeyaha.

Wuxuu sheegay in dowlad soomaaliya yeelataa dhib ku tahay itoobiya oo sida Yahuudda carabta loogu dhex ilaaliyo halkaan itoobiya loogu ilaalinayo.



Wuxuu tilmaamay in soomaaliya meel muhiim ah ku taalo shisheeyuhuna u arkaan maamul iyaga ka madax banaan hadduu ka hirgelo in ay caqabad weynu uga timaado.

Aqoon yahanka ayaa intaa raaciyay in soomaaliya shisheeyuhu dano dhaqaale oo qotto dheer ka leeyahay.

Halkan ka dhageyso Wareysiga Suldaan Garyare MP3

Xigasho:idaacadda Alfurqaan


Related Items